44 Qof Ayaa Ku Dhimatay Dab Ka Socda Gobolka California Ee Dalka Maraykanka.

California-(OWN)-Kumannaan ka mid ah shaqaalaha dabdamiska Mareykanka ayaa la tacaalaya dab xoog leh oo ka ololaya qeybo ka mid ah koofurta iyo waqooyiga gobolka California.

Ugu yaraan 44 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabkaan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu khasaaraha badnaa ee soo mara gobolka Califronia.

Bulshooyin badan ayaa barakacay, guryo badanna dhulka ayay la sinmeen dhinaca koofureed ee California gaar ahaan deegaannada u dhaw dhaw magaalada Los Angeles.

Dabeeylo xawaarahoodu sarreeyo iyo huur aanan sidaasi u badneyn ayaa la sheegay inay sii hurinayaan dabkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker