13 Sano Jir Feeryahan Ah Oo U Dhintay Feedh Lagu Dhuftay.
Geerida wiilkan 13 sano jirka ah ayaa sababtay jug ka soo gaadhay cayaar dhanka feedhka ah. Wiilkaan oo lagu magacaabo Anucha Kochana ayaa la sheegay in jug maskaxda ka soo gaadhay uu u dhintay laba maalmood kadib cayaartaasi.
Dhacdadaan ayaa horseedday cadaadis cusub oo ku aaddan in cayaarta feedhka ee caruurta laga joojiyo dalka Thailand.
Waxa uu ka qeeyb qaatay 170 dagaal oo dhanka feedhka ah tan iyo sideed jirkiisii, taas oo qooyskiia ka caawisay in uu dhaqaalohooda kordho.
Baarlamaanka Thailand ayaa dib u eegis ku sameeynaya sharci cruurta da’doodu ka yartahay 12 sano ka mamnuucaya in ay ka qeeyb qaataan cayaaraha feedhka.
Cayaarta feedhka ee Thailand oo loo yaqaano Muay ayaa aad caan uga ah dalkaasi. waxa ayna kumaanaan dhalinyarada feedhka cayaara ah iyo qoosaskooduba u arkaan in feedhka uu yahay fursad lacag lagu sameeyo.
Balse waxaa jira shuruuc yar oo lagu hago cayaaraha, qaar ka mid ah dadkana waxa ay ka soo horjeedaan hindise sharciyeedka caruurta ka mamnuucaya cayaaraha feedhka, waxa ayna ku doodayaan in cayaaraha feedhka ee da’yarta ay mid yihiin dhaqanka qadiimiga ah ee waddanka.

Shacabka reer Thai ayaa ka naxay geerida Anucha, dhanka kalana qaar ka mid ah feedhyahanada caanka ah ayaa tacsiyeeyay dhacdadaan.
Muuqaal la duubay intii ay cayaarta socotay ayaa muujinaya labada wiil ee ka qeeyb qaadanayay cayaarta feedhka oo aan madaxa ku xidhnayn qalab difaaca jugta.
Anucha ayaa la sheegay in madaxa feedh looga dhuftay ka hor inta uusan dhulka ku dhicin.
Thailand waxaa ka diiwaan gashan 10,000 oo feedhyahan, kuwaasi oo ay da’doodu ka yartahay 15 sano jir.