AGAASIMAHA MAAMULKA WARFAAFINTA SOMALILAND

Dhacdooyin Layaableh Oo Ku Gadaaman Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Iyo Halka Uu Ka Keenay Awoodda Badan Ee Uu Adeegsado: Qaybtii- 1-Aad.

C.raxmaan-Guribarwaaqo-iyo-Agaasime-Xasan (1).png

Xasan Maxmud Maxmed Agasimaha Maamulka Ayaa Saamaynta Iyo Awood Uu Ku Leeyahay Waxa Ay Ifka Soo Baxday Sannadka Horaantiisi Kadib Markii Uu Isku Shaandheen Uu Wasiir Guribarwaaqo Uu Ku Sameeyay Agaasime-Waaxeedyada Wasaarada Kaligiina Laga Reebay. Maamulkii Hore Ee Wasaarada, Masuuliyinti Xilka Laga Qaaday Ayaa Cod Dheer Ku Sheegay In Wasiir Lagala Taliyay Xilka Qaadistoodi Waxayna Warbaahinta Iyo Shacabka La Wadaageen Dulmiga Iyo Ku Tagi Falka Awooda Wasiirka Iyagoo Diirada Saaray In Meeshii Laga Cabanaayay Ee Hawlaha Iyo Shaqada Xaruunta Ay Ka Socon Wayday Islamarka U Muuqatay Shaqaalaha Iyo Hawlwadeenada Ay Ahayd Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Wasaaradda Iyo Xiligaa Ay Socotay Dardargalinta Shaqooyinka Dhinac Maamulka Iyo Lacagta Ee Wasaaradaha Dalka Oo Dhan Waxay Rajaddu Ahayd In Uu Isbadalkaa Uu Raaco Balse May Dhicin.

Madaxweynaha Jsl Muuse Biixi Abdi Ayaa Wasaarada Warfaafinta U Soo Magacabay Agaasime Cusub Oo Layidhaahdo Ali Aliyow. Agaasimaha Oo Xooga Saaray Sidi Uu La Soo Noqon Lahaa Awooda Maamulka Wasaarada Madaama Uu Cunaha  Iskaga Duubay Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Kaas Oo Loo Daba Fadhiisanayay Wiixii Hawlo Ahaa.

Sida Dalabka Iyo Soo Iibinta Wixii Qalab Wasaaradu U Baahan Tahay Heshiisyada. Isteeshinariga Is Spare Partka,Qorida Shidaalka Iyo Wiixii Kale Ee La Halmaala.

Runtii Ali Aliyow Kolkii Uu Arkay Qaabka Wax U Socdaan Talaabooyin Fiican Wuu Qaaday, Balse Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Xasan Yare Ayaa Ahaa Shakhsi Haysta Oo Isticmaalaya  Awoodda Wasiirka.

Intaa Kadib Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Cali Caliyow,Waxa   Uu Ka Fursan Waayay Inuu Agaasimaha Maamulka Ku Wargeliyo Inuu Soo Mariyo Wixii Hawlo Ah Sida Nidaamku Yahay.

Hase Yeeshee Agaasimiha Maamulka Iyo Lacagtu Amaradaa Kasoo Baxaya Cali Caliyoow Dheg Jalaq Uma Siin Hawlihiina Sidiisii Hore Ayuu Isaga Sii Watay.

 Kadib  Waxa Dhacday In Uu Agaasimaha Guud Caliyoow,Xafiiskii Agasimaha Lacagta Ka Xidho. Waxaanu Qoraal Ahaan Ugu Gudbiyay Wasiirka Iyo Wasiir Xigeenka Sababihii Uu Xidhitaanka Xafiiskaasi U Cuskaday Asbaabahaasi Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Ku Tagri Fal Awoodo Aan Sharcigu Siinayn.  Musuqmaasuq. Iyo Arimo Kale.

Arrintu Kolkii Ay Halkaasi Marayso Nasiib Darro  Jawaabtii Uu Bixiyay Wasiirka Wasaarada Guribarwaaqo  Waxay Noqtay, Inuu Isaguna Quful Weyn Ku Dhufto Xafiiskii Agaasimaha Guud Ali Aliyow Waxayna Arintasi Noqotay Mid Ka Fajicisay Dhamaan Maamul Hoosaadka Iyo Shaqaalaha Oo Xog Ogaal U Ahaa Xaaladda Soo Taxnayd Ee Ka Dhex Jirtay Agaasimaha Guud Caliyoow Iyo Agasimaha Maamulka Lacagta.

Talaabadii Xigtay Taasina Waxay Noqotay Inuu Guri Barwaaqo Cali Caliyoow Ka Dacweeyo Madaxtooyada,Kadibna Madaxtooyadu Iyadoo Hubsan,Waxay Si Degdeg Ah Xilka Qaadis Ugu Samaysay Agaasimihii Guud Ee Warfaafinta Cali Caliyoow

Xiisadaasina Waxay Noqotay Mid La Yaab Ku Keenta Bulshada.

 Markii La Shaaciyay Xilka Qaadistii Agaasimaha Guud Ali Aliyow Waxaa Kor U Kacay Awoodi Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Ee Wasaarada Warfaafinta Xasan Maxmud,Waxaanu Isla Maalmahaa U Dhoofay Ingiriiska,Isagoo London Jooga Ayuu Wasaarada Ka Maamulayay Halkaasi,Wax Kastaana Ahaayeen Kuwo Isaga Ku Xidhan,Isla Markaana Hawlo Badani U Xanibnaayeen Mudadaa Sadexda Bilood Ah, Waxaa Qosol Lahayd Markii Agasimihii Guud Ee Cusubaa Cisman Warsame,Ee Lasoo Magacaabay Xilkii Kala Wareegay Agaasimihii Guud Ee Hore Cali Caliyoow,Waxa Agaasimaha Cusub Lagu Wargeliya20431725_10210335930775787_6830158955946254223_n.jpgy In Agaasime Waaxeedka Maqan Ee Maamulka Iyo Lacagta Ay Hawlaha Wasaaradu Ku Xidhan Tahay Inta Uu Soo Laabanayana Uu Xafiiska Iska Fadhiyo.

Garo Oo Waxaa Isku Xaniban Dhamaan  Hawlihii Shaqo Ee Uu Gacanta Ku Hayay. Kharashaadkii Wasaarada Warfaafinta .Radio. Hargeisa. Wargaysaka Dawan. Iyo Tvga Qaranka Somaliland Oo Intaba Uu Maamulayay Lacagtooda Iyo Kharashaadkoodi (Xasan Yare) Waxa U Xaniban Oo Kale Lalana Sugaaya Saxiixiisa Kharashkii Lacagtii Lagu Dalbi Lahaa Qalabkii Idaacada Weyn Radio Hargiesa Oo Hawada Ka Maqan. In Muda Ah. Lama Garanaayo. Sababta Masuul Halboowle U Ah Wasaarada Waxaas Oo Dhan Oo Taagnaa,Madaxtooyada  Xogta Arrimahaasi Waxay U Gaadhayeen Si Is Daba Joog Ah,Hase Yeeshee  Maysan Dhicin Inay Wax Tallabo Ah Qaadato.

maxaa yeelay dacwadahaasi waxa la rumaysan yahay in aanay gaadhiba jirin madaxweynaha balse ay ku hakan jireen, xafiisyada wiilasha awoodda badan ee ka ag dhow madaxweynaha oo agaasimaha maamulka lacagta warfaafintu gacan saar la leeyahay.

Qaybtii- 1-Aad. Lasoco Qaybta Dambe

Bashiir Cali Yuusuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker