Magacyada Qaar Ka Mid Ah Iskuuladii Qadiimiga Ah Ee Hargaysa Oo Qarka U Saraan In Albaabada Loo Laabo Iyo Kuwa Ay Yihiin

Hargeysa(OWN)-Qaar ka mid ah Iskuuladii ugu horeeyay magaalada Hargaysa ayaa qarka u saraan in albaabada loo laabo waxaana iskuulada oo ah qaar hoose dhex ay kala yihiin Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh Bashiir, Dugsiga Gamca-dheer iyo Dugsiga Riis.

Dugsiyada ayaa waxaa la soo waahaday in ay Ardaydii dhiganaysay ay ka badashaan intii reerkoodu ladnaa. Waxaana meesha ka baxday in fasaladii badnaa  ay yaraadaan tusaale ahaa Dugsiga Sheekh Bashiir oo ka koobnaan jiray afar illaa shan fasal oo siddeedaad ah waxaa hadda dhigta hal fasal oo aanay tiradoodu ka badanayn Afartan Arday,

Siddoo kale waxaan waxba dhaamin dugsiyadaaasi kale ee aynu soo xusnay. Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa hoos u dhac wayni ku imanayaa waxbarashadda Dugsiyadda ay Dowladdu gacanta ku hayso.

Dhinaca kale waxaa iyaguna hoose u dhaca waxbarasho ka muuqdaa Dugsiyada Sarre Dowliga ah,Wali ma jirto cid si toosa ugu hadashay sidda looga kaban karayo marxaladdan la soo daristay inta badan dugsiyada dowliga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker