Warbixin Shaacisay Tirada Duurjoogta Gacanta Lagu Dhigay iyada Oo Sharci darro Lagaga Dhoofinayey Somaliland

Hargeysa(OWN)-  Shabakadda  Wararka  ee Mail & Guardian oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika, ayaa  baahisay in dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ay  tan iyo 2011kii joojisay 50 Harimo-cad oo si kootarabaan ah loo dhoofinayey.  Sidaasna waxa mareegta Mail & Guardian ku soo bandhigay war uu shalay  daabacay oo ay soo xigatay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, Waxaana warbixintaas dadka u dhaqdhaqaaqa duurjoogtu ay walaac ka muujiyeen dhoofinta sharci darrada ah ee duurjoogta Dalalka Bariga Afrika.

Mail & Guardian waxay intaas ku dartay in laba bilood ka hor la badbaadiyey 11 Harimo-cad oo si tuuggo ah loo doonayey in laga dhoofiyo Somaliland. Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, ayaa sheegtay in korodhka ganacsiga duurjoogta loo iibgeeyo  bariga dhexe ay waxyeelo ku tahay Somaliland iyo dhammaan dalalka kale ee Waqooyiga iyo Bariga  Afrika.

Machad  fadhigiisu yahay dalka Namibia oo u dhaqdhaqaaqa xakamaynta ka ganacsiga Duurjoogta ayaa tilmaamay inay Somaliland ku leeyihiin xarun lagu xannaaneeyo 14 Harimo-cad oo laga soo badbaadiyey dad qabsaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker