Shiinaha Iyo Mareykanka Oo Ka Wadahadlay Xiisadda Ka Taagan Badda Koonfurta Shiinaha.

Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Washington ayaa waddamada Shiinaha iyo Mareykanka waxa ay ka wada hadleen qaabkii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan badda koonfurta Shiinah ee u dhaxeysa ciidamada milatariga labadani waddan.

Mas’uuliyiinta labadani dhinac ku matalayay kulankaasi ayaa sidoo kale aragtidooda kala geddisan ee ku aadan muranka ka dhashay biya-mareenka iyo arrimo, usbuucyo ka hor inta aysan kulmin hoggaamiyeyaasha labadani waddan.

Xoghayaha gaashaandhigga ee Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in Mareykanku ay ka go’antahay in Shiinaha uu ka shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa in gacan ka hadal uu dhexmaro labadooda ciidan.

Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha iyo Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in dhawaan ay ku sigteen in ay isku dhacaan gudaha biyaha lagu muransan yahay ee badda koonfurta Shiinaha.

James Mattis ayaa ugu baaqay xukuumadda Beijing in ay maraakiibteeda dagaalka ka taxadarto isla markaana ay la yimaado dhaqan wanaag.

Dhiggiisa Shiinaha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda xiriir wanaagsan oo dhexmara milatariga labadani dal, balse waxa uu Mareykanka ku dhaliilay in maraakiib iyo diyaarado dagaal uu soo dhoobo meel u dhow jasiiradaha ay sheegato Shiinaha.

SHIINAHA

Labada dhinacba waxay ka hadleen baahida loo qabo iskaashi dhexmara Shiinaha iyo Mareykanka, waxa ayna sheegeen in ay u gogol xaarayaan kulan dhexmari doona hoggaamiyeyaasha labadani dal.

Balse sidoo kale waxay soo hadal qaadeen arrimaha kale ee ay isku khilaafsan yihiin sida muranka dhanka ganacsiga iyo dhibaatada ay dowladda Shiinuhu ku hayso muslimiinta dalkaasi ee laga tirada badan yahay.

sshiinaha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker