Booliska Australia Oo Faahfaahiyey Weerarkii Ka Dhacay Melborne

Xasan Khaliif Shire Cali oo 30-sano jir ah ayaa loo aqoonsaday in uu yahay ninkii ka dambeeyay weerar ay dad ku dhinteen loona adeegsaday toorey kaasoo ka dhacay magaalada Melborne ee dalka Australia.

Boliska magaalada Melborne ayaa sheegay in Xasan xiliga weerarka u geysanayay uu damacsanaa in uu gaari laga soo buuxiyey Haamaha Gaaska u adeegsado weerar gudaha Melborne .

Booliska waxa ay sidoo kale sheegeen in Xasan Khaliif uu abaabulayay weeraro kale oo uu ka geysto gudaha dalka Australia waxaana ay xuseen in ay ku guuleysteen soo afjarida khatarta uu xambaarsanaa ninkan Soomaaliga sida ay sheegeen.

Xasan Khaliif Shire oo ah ninka weerarka ka geystay magaalada Melborne ayay sidoo kale Booliska sheegeen in markii horeba dabagal lagu hayay tan iyo 1990-kii oo ah sanadii uu Xasan Khaliif tagay dalka Australia,waxa ay sheegeen in sanadkii 2015-kii ninkan laga kansalay Baasaboorkii Australianka ahaa sababo lagu sheegay in uu damacsanaa safar uu ugu kicitimo dalka Syria oo dagaalo ay ka socdeen.

Si kastaba Soomaalida ku nool dalkaasi Australia ayaa cambaareeyay weerarka loo adeegsaday tooreyda ee uu Xasan Khaliif ka geystay gudaha Melborne.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker