Xuuthiyiinta Yemen Oo Laga Saaray Goobo Muhiim ah

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatiga oo ay gacan siinayaan ciidamada taageersan dowlada Yemen ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalka xoogan ee ka socda nawaaxiga magaalada xeebta saaran ee Xudeydah.

Dagaalkan oo sii xoogeystay todobaadkii lasoo dhaafay kadib markii ciidamada xulafada Sacuudiga ay askar gaareysa 10-kun ay ku xoojiyeen dagaalkaasi, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraan ciidamo cusub oo laga keenay dalka Sudan.

In ka badan 200 dagaalyahan ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dagaalada dhacay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo xuuthiyiinta qireen in laga saaray qeybo kamid ah dhufeysyadii ay ku lahaayeen duleedka magaaladaasi ay ku taal dekkada ugu weyn dalka Yemen.

Xulafada Sacuudiga ayaa gacanta ku dhigay wadada 50aad oo tagta bartamaha magaalada Xudeydah arrintan oo u ah guul militari iyagoona hada faras-magaalaha u jira 5km.

Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen Cabdulmalik Al Xuthi oo arbacadii shalay telefishinka kasoo muuqday ayaa sheegay in ciidamadiisa aysan marnaba isu dhiibi doonin xulafada Sacuudiga, isagoona sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka xataa hadii laga qabsado qeybo kamid ah dhulka ay hada gacanta ku hayaan.

Diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga ayaa weli duqeyn xoogleh ku wada magaalada Xudeydah iyagoona khasaaro ba’an u geystay qeybo kamid ah xarumaha caafimaadka oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyntan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker