Siyaasada Sucuudiga Oo Gashay Xaalad Adag+Xogo Dheera Oo Ka Soo Kordhay Qaabkii Loo Fuliyey Saxafi Jamaal Khaashuqji

Jiddah (OWN)- Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa gashay weji halis ah, kadib markii la ogaaday in dilka suxufi Jamaal Khaashuqji ay fuliyeen ciidamo amni oo gaar ah, kuwaas oo bil ka hor ka tegay magaalada Riyadh, islamarkaana tegay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Waxaa sidaas weriyey wargeyska New Yorker ee Mareykanka kasoo baxa.

 

Wargeyska ayaa qoray in inkastoo wax badan ay iska cad yihiin, haddana weli ay jiraan faah-faahinno jawaab u baahan, sida halka la geeyey meydka Jamal Khaashuqji, iyo in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu yahay ninkii amray dilka.

Waxaa taas dheer, in qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Maxamed Al-Cutayba, oo wax badan ka ogaa arrintan uu Turkiga ka tegay laba toddobaad kadib kadib markii qunusliyaddiisa lagu dhex dilay Jamaal Khaashuqji.

โ€œSi is-daba jog ah ayay uga been sheegeen dilka Khaashuqji iyo ku lug lahaanshaha xubnaha sare ee boqortooyada ee kiiskan, sidaas darteed ma jirto sabab loo qaato in Sacuudiga aysan ka warhayn halka uu jiro meydkaโ€ ayaa lagu yidhi ย faallada New Yorker.

Suโ€™aal kale oo wargeyska is-weydiiyey ayaa ahayd โ€œMaxaa Maxamed Bin Salmaan uu ugu adkeysanayey ka aamusnaanta kiiska Khaashuqjiโ€

Wargeyska ayaa dhinaca kale maamulka madaxweyne Donald Trump ku eedeeyey inuu waxba ka qaban in la helo runta kiiska Khaashuqji, sababtuna ay tahay in uu yahay kan ka dambeeya Maxamed Bin Salman, oo muhiim u ah qorshaha Aqalka Cad ee Bariga Dhexe.

Arrimahan oo idil, ayaa wargeyska uu leeyahay, waxay carro ka dhex abuureen gudaha boqortooyada, hase yeeshee waxaan weli jirin awood meesha looga saari karo Maxamed Bin Salmaan, oo cid kasta oo ka hor-timaada xabsi u diraya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker