Nin Soomaali ah Oo Weerar Ka Geystay Dalka Australia

Waxaa maanta oo Jimce ah weerar ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia lagu dilay ugu yaraan 1 qof kadib markii nin Soomaali ah oo toorey sita weerar ku qaaday shacabka ku sugnaa bartamaha magaaladaasi.

Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa la sheegay inuu watay gaari laga soo buuxiyey haamaha gaaska kaasi oo uu dab-qabadsiiyey kahor intuusan si aan kala sooc lahayn mindida ugu weerarin dadkii marayey mid kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan faras-magaalaha.

Ciidamada Booliiska oo goobta gaaray muddo 3 daqiiqo gudaheed ah ayaa isku dayey inay qabtaan ninkan oo weeraray askarta booliiska oo uu isku dayey inuu laftooda ku dhufto mindida kahor intaan la toogan, waxayna xabada uga dhacday xabadka iyadoo loola cararay isbitaalka, waxayna wararka hada soo baxaya sheegayaan inuu dhaawaciisa u dhintay.

Booliiska Australia oo markii hore sheegay in weerarkan uusan ahayn fal argagaxiso ayaa markii ay heleen xog dheeraad ah oo ku saabsan ninkan ayey hada sheegeen inay rumeysan yihiin in weerarkan uu la xariiray fal argagaxiso oo lasoo qorsheeyey, waxayna sheegeen inay doonayaan inay xogtooda helaan qaar kamid ah ehelada ninkaasi oo ay sheegeen inay su’aalo weydiin doonaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker