Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Dowlad-gobolleedyada Soomaaliya Oo Hadda Is casilay.
Baydhabo-(OWN)-Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya,Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa xilka goor dhowayd iska casilay,sida ay ku warrantay warbaahinata gudaha.
Cabdullaahi Sheekh , oo sidoo kale ah wasiirka Dastuurka Koofurgalbeed ayaa iscasilaadiisa sheegay inay ka dambeysay markii uu xilka madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed iska casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa guddoomiyaha golaha iskaashiga maamul-gobolleedyada, waxaa kalo u shaaciyay inuu ka hadhay tartanka doorashada madaxweynaha Koonfurgalbeed.
Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa horay u magacaabay afhayeenka golaha, waxaana golaha oo lagu dhisey dhammaan hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada oo shan ah hadda ku soo hadhay kaliya saddex hoggaamiye gobolleed oo kala ah madaxweynayaasha Jubbaland,Galmudug iyo Puntland.
