Xildhibaan Sheegay In Aanay Gobollada Galbeedka Somaliland Doorashada Galayn+ Maxuu Ku Sheegay Sababta.

Hargaysa-(OWN)-Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku taliyey in la tixgeliyo goโ€™aankii Maxkamadda sare ee 2005, ee ahaa in Doorashada Wakiillada ee dambe in lagu galo saami qaybsi iyo in tirikoob la sameeyo.

Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa hadalkiisa ku bilaabay โ€œMarkii la qabanaayey Doorashada Golaha Wakiillada ee 2005, ayaa wakhtigaas waxay Maxkamadda Dastuuriga ahi ay goโ€™aamisay in Doorashada dambe ee Golaha Wakiillada in lagu galo iyada oo la sameeyey tirikoob, imikana si ay Doorashadu inoogu qabsoonto, waxa haboon in la sameeyo

tirikoobkaas iyo saami qaybsi, waana in sideeda loo fuliyaa goโ€™aankaas Maxkamadda sare ay goโ€™aamisay, haddii aanu nahay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Salel iyo Awdal mawqifkaygu waa in la sameeyaa Tikikoobkii iyo Saami qaybsigii kuraasta Barlamaanka, waana in la fuliyaa goโ€™aankii Maxkamadda sare ee 2005, waana ayaan daro weyn haddii la dhaqan galin waayo goโ€™aanka Maxkamadda sareโ€

Xildhibaan Aareeye mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi โ€œXisbiyadu Mucaaradku haddii ay ku kalsoonaan waayeen Komishanka, xaq bay ku taagan yihiin, mar haddii ay cadaalad daro ku tuhmeen oo ay yidhaahdeen kuma kalsoonaan karno, xaq bay u leeyihiin in laga bedelo, madaama ay diidan yihiinโ€

Image result for xildhibaan ibaarim aareeye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker