Khilaaf u dhaxeeya Wasiirka Maaliyada iyo Xisaabiyaha Guud ee dowladda Soomaaliya oo soo ifbaxay.
Muqdisho-(OWN)-Waxaa soo ifbaxay khilaaf aan horay-ba loo sii ogeyn oo soo kala dhax-galay Wasiirka Wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo xisaabiyaha guud ee dowladda marwo Fartuun Cismaan Faarax oo eedeyn kulul u jeedisay Wasiirka.

Qoraal ay soo saartay xisaabiyaha ayeey ku eedeysay Wasiirka faragalin uu ku hayo xafiiskeeda shaqo, iyo wax ay ugu yeedhay marin habaabin lagu daboolayo sida ay hadalka u dhigtay qas iyo xadgudub maamul maaliyadeed oo ka dhax socda xafiiska Wasiirka.
Qoraalkeeda ayeey ku sheegtay in Wasiirku u baahan yahay in uu xasuusnaado in labada xafiis yihiin kuwo kala madax-banaan islamarkaana shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda aysan ka tirsaneyn Wasaarrada Maaliyada.
Qoraalka ayaa u dhignaa sida :