Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Soomaaliya Oo Hargeysa Imanaya + Sababta Ujeedkiisa Iyo Cida Uu La Kulmi Doono.
Hargaysa-(OWN)-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicholas Haysom ayaa la filaya in uu yimaaddo magaalada Hargeysa si uu kulan ula qaato madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabd.
Danjire Nicholas Haysom oo horaantii bishii September loo magacaabay jagada waxa uu xilka la wareegay kowdii bishii October waana markii u horaysay ee uu Somaliland yimaaddo. Waxa jagada uga horeeyay Michael Keating oo muddooyinkii dambe aanay isku fiicnayn Somaliland kadib markii la isku fahmi waayay arrinta Tukaraq oo xasaasi ahayd iyo arrimo kale oo ku saabsan siyaasadda u dhexeysa Somalia iyo Somaliland.
Warar xogogaal ah oo wargeyska Geeska Afrika ka helay socdaalka Danjire Nicholas ayaa sheegaya in uu madaxweyne Biixi kala hadli doono arrimo ku saabsan xidhiidhka siyaasadeed ee Somaliland iyo Somalia siiba colaadda Tukaraq iyo wada hadalladii labada dhinac iyo doorka xafiiskiisu ka ciyaari karo. Sidoo kale waxa suuro gal ah in uu arrimaha doorashooyinka kala hadlo madaxweyne Biixi.
Sidoo kale waxa socdaalka danjiraha cusub qayb ka ah is barasho iyo in la xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo Qaramada Midoobay maaddaama ay jireen madmadow soo kala dhex galay ergaygii xilka uga horeeyay iyo Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa danjirihii hore Michael Keating ka dacweeyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres isaga oo ku eedeeyay in uu la saftay xukumadda Muqdisho intii ay taagnayd xiisadda Tukaraq oo ah arrin siyaasi ah oo u dhexeysa labada dhinac. Sidoo kale Soomaaliya ayaa tiraba laba jeer dacwad ka gudbisay Mr Keating iyada oo lagu eedeeyay in uu mucaaradka dhegaysto, islamarkaana xasarado aan jirin caalamka u sheego.
Danjiraha cusub oo ah nin Ingiriis ah, islamarkaana haysta dhalashada Koonfur Afrika waxa uu muddo dheer la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay isaga oo hadda ahaa wakiilka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan iyo Suudaan.
Source:- Geeska