Mareykanka Oo La Sheegay In Uu Ku Fashilmay Dagaalka Mudada Fog Uu Kula Jiro Kooxda Taliban Ee Dalka Afghanistan.

Dowlada mareykanka ayaa ku fashilantay howlgalka ay 17-dii sano ee la soo dhaafay ay ka waday wadanka Afghanistan kaasi oo ka dhan ah dagaal yahanada Taliban.

Mareykanka ayaa la sheegay in ciidan ahaan iyo dhaqaalo ahaan uu ku lumiyay dagaalka uu kula jiro kooxda taliban ee looga soo horjeedo la dagaalanka daroogada iyo argagixisada.

Warbixin ay soo saareen aqalka ayaa lagu sheegay in xaalada amni ee dalkaas ayaa marba marka ka sii danbeyso ay ka sii dareyso,iyadoo ay ku sugan yihiin kumanaan ciidan oo ka socda Mareykanka.

Dalkan Afghanistan ayaa 55 boqolkiiba waxaa gacanta ku haya Taliban halka dowlada ay la taacaleyso in ay xaqiijiso amniga goobaha ay maamusho,iyo magaalada caasimada ah ee Kabul.

Congaress-ka mareykanka ayaa sheegay in dagaal yahanda Taliban ay ka xoog badan yihiin sanadkii 2011-dii sidii ay ahaayeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker