Sacuudiga Diyaarad Nooca Aan Duuliyaha Lahayn Lagaga Soo Riday Gobolka Jizan Ee Yemen

Dagaal yahanada mucaaradka yemen ayaa soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo dul heehaabeysay,degaanada koonfur galbeed dalka Sucuudiga oo u dhow xadka gobolka Jizan uu la wadaago Yemen. Sarkaal aan magaciisa sheegin oo la hadlay Tv-ga al-Masirah,ayaa sheegay in guutada cirka ay dhulka soo dhigeen diyarad nuuceeda lagu sheegay Drone-oo dul socatay degaanka Xariqah ee degmada Wadi Jarrah.

Degaankan ku yaal xadka sacuudiga iyo yemen ee diyaarada lagu soo riday,ayaa 969 kiilo mitir dhanka koonfur u jiraa magaalada caasimada ah ee Riyaad. Kooxda xuutiyiinta ee dagaalka kula Jira xulufada sacuudiga ayaa marar badan soo bandhigtay diyaarado ay ka soo riday xukuumada Riyaad,oo basaas loo adeegsanayay kuwaas oo degaanada Yemen ka samaynayey howl gal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker