Sababaha Qarsoon Ee Loo Baabiyey Miisaniyaddii Qasnada Qaranka Ee 2018 Iyo Wasaaradaha Loo Leexiyey
Sababahani maaha kuwo dadka intooda badani si fuduud u fahmi karaan, kahor intaanaynu ka jawaabin waa maxay qasnadda qaranku ama keydka miisaniyadda qaranku. Qaran walba oo adduunka ka mid ahi wuxuu leeyahay kayd lacageed oo uu ku ilaaliyo danihiisa iyo masalaxadda dalkiisa iyo dadkiisaba, waa badbaado qaran iyo ka hortag dhibaato iyo aafo qaran oo timaaddaba waa difaaca kaliya ee xal loogu raadin karo mushkiladaha qaranka soo wajaha, waa keyd horumarineed oo looga faa’iidaysan karo barwaaqadda roobabka sida mashariica biyo xidheeno iyo wax-soosaarba loogu abuurki karo.
Khasnadda Guud muhiimaddeedu ma aha mid aan soo koobi karno. Bal aan eegno boqollayada ay ka joogtay miisaniyadda qaran afartii sano ee la soo dhaafay. Sannadii 2014-kii waxay ahayd 18%, sannaddii 2015 –kii waxay ahayd 22% sannadii 2016-kiina waxay ahayd 21% sanadii 2017 kiina waxay ahayd 23% oo lacag ahaan u dhigmaysa 358,603,761,931 SL/Shilling, Sanaddan 2018 ka Qasnada Keydka Qaranku waa 0%.
Haddaan xusno sababaha ugu waawayn ee loo baabiyay Qasnadda Qaranku waxay ahayd in lacagteedii loo wareejiyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Xafiiska madaxtooyada iyo Hay’ado ama Wasaarado kale oo aan ku falanqayn doono, maqaaladeena kale.
Lacagta loo kordhiyay Wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska Madaxtooyadu waxay ka badantahay wasaraado tiradoodu dhaafayso 15 wasaradood. Sidoo kale taariikhda waa markii ugu horaysay ee miisaniyadda wasaraadda maaliyaddu iyo tan madaxtooyaddu waddartoodu ka baddato Ciidanka Qaranka JSL. Waa ciidanka milaterigee.
Sobobaha qarsoon waa kuwa aan ka doodi karno, inagoo tixraacayna qorshaha miisaniyadda qaranka 2018 ka, tusaale ahaan kordhaka miisaniyadda Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waa 140,324,423,132SL/Shilling iyadoona shaqaalo cusub la qaadan lama kordhin mishaarkha shaqaalah, taa macaneehudu waa in lacagtani waxa horumara dantii guud gees martay. Hadda waxaa la sii daynayaa waarankii ugu danbeeyay ee haayaddaha madaxbanaan iyo wasaaradduhu ku dalbanayaan lacagtii ugu danbaysay miisaniyadoodii sanadlaha ahayd. Tani waxay ka dhigantahay in shaqadii qaranka u hayeen la fuliyay 70%.
Sidaas oo ay tahay wasaaradda horumarinta maaliyadda kama muuqato wax- horumara oo ay ku samaysay shaqooyinkeedii sidoo kale lacagtii xad dhaafka ahayd ee miisaniyadeeda ku kordhay ma aragno mashariico waawayn oo lagu abuuray. Tani waxay caddayn u tahay in qorshaha lacagtani loogu tali galin wax-qabadka bulshadda. Waxa se ka sii daran in la taliyayaal faro-badan la magaacbay kuwaasi oo macnaheedu yahay in lagu saaro lacagta ka awoodda badan miisaniyaddii wasaaradda horumarinta maaliyadda.
Haddaan isbar-bardhig kooban ku samayno Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda inta ku korodhay sannadkan 2018-ka waxay ka badan tahay miisaniyadda 13 Wasaradood, intaas waxaa dheer in miisaniyadda wasaaradda maaliyadda iyo Hay’adda JSL oo dhan, 12 wasaradood iyo Maxkammadaha iyo Hanti-dhowrka ay ka badantahay Miisaniyadda Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu.
Is bar-bardhiga Wassaaradda H. Maaliyadda Iyo Wadarta Miisaniyadda 12+ 7 hay’addood ee qaranku leeyahayba sanadkan 2018, + Maxkammadda Sare + Maxkammadaha Hoose + Xeer Ilaalinta Qaranka + Hanti Dhawrka, waxaa ka badan Wasaaradda H. Maaliyadda _ Horaa Loo Soconayaa.( tani waa sobobta ugu way ee loo baabiyay Miisaniyadii Qasnada Qaranka).
| Wasaaradda Shaqo-galinta, A. Bulshada & Qoyska | 9,850,661,762 |
| Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada. | 11,620,355,184 |
| Wasaradda Xidh Golayaasha iyo Arimaha Distorka | 6,277,580,288 |
| Wasaarada H. Maalgashiga | 4,488,067,648 |
| Wasaaradda Macdanta & Tamarta. | 6,956,328,344 |
| Wasaaradda Degaanka & Horumarinta Reermiyiga | 12,763,932,016 |
| W.Qorshaynta & Horumarinta Qaranka | 10,858,961,824 |
| Wasaaradda Diinta & Awqaafta. | 5,007,952,864 |
| Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska | 15,350,244,862 |
| Wasaaradda H. Biyaha | 15,572,815,976 |
| Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. | 10,427,989,821 |
| Hay’adda Diiwaanka Sakada iyo Safalka | 2,268,187,392 |
| Hayada u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka R. | 8,810,177,816 |
| H. Duulista & Hawada. | 13,982,992,369 |
| Hay’adda Dhawrista Tayada | 3,487,902,432 |
| Hayada Qaxootiga iyo Barakacayaasha | 5,718,956,124 |
| Hayadda Sirdoonka Qaranka | 12,919,236,228 |
| Maxkamadda Sare. | 5,437,107,872 |
| Max-kamadda Hoose. | 23,666,325,856 |
| Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka. | 6,560,035,760 |
| Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. | 10,841,449,600 |
| Waddarta Guud | 218,764,203,225 |
| Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda | 232,645,589,152 |
Waddarta Miisaniyadda 12 wasaradood + 7 Hay’addood + Maxkamadda Sare + Maxkamadda Hoose + Xeer Ilaalinta Qaranka + Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. Waxaa ka badan Miisaniyadda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda (Horaa loo soconayaa) tani waa sobobta ugu wayn ee loo baabiyay Miisaaniyaddii Qasnadda Qaranka Jamuuriyadda Somaliland.

…..La Soco Qaybo Kale iyo Lafa-gurka Miisaaniyadda 2018
Qalinka: Mustafa A. Habane




