Weerar lagu qaaday gurigii laga dejiyay taliyaha ciidanka Jeegaanta Mr. Nuux-qoti magaalada Ceerigaabo

xalay ayaa weerar lagu qaaday gurigii laga dejiyay taliyaha ciidanka Jeegaanta Mr. Nuux-qoti magaalada Ceerigaabo oo uu shalay uun gaadhay isagoo hordhac u ah ciidan farabadan oo uu iska sii horaysiiyay Muuse Biixi oo ah horjoogaha labada qabiil ee ku bahoobay Jeegaanta waa bahda magaalada iyo ta miyigee , iyadoo la filayop inuu booqasho ku tago muuse handaraab gobolka Sanaag maalinta khamiista ee inagu soo aadan. weerarkan ayaa laga soo sheegayaa inuu sababay dhaawac iyo dhimasho labadaba waxaanay dad jooga magaalada Ceeri sheegayaan ianay arkayeen baabuuro Ambalaas ah iyo kolanyo ciidan oo galbinaysa oo uga soo baxday magaalada xaga galbeedka lana filayo inay ku soo jeedaan Hargeysa iyagoo sida askartii ilaalada Nuux baasto ee dhaawacu ka soo gaadhay weerarkaa ay ku qaadeen cutubyo ka tirsan jabhadda dhawaan lagaga dhawaaqay jiidaa iyo shacab taageersan oo ka xanaaqasan boobkii loo gaystay ardaydii jaamacadda Sanaag ee laga musuqmaasuqay kooraskii ay ka heleen dalka Itoobiya iyo afduubkii loo gaystay mujaahid Axmed caddib iyo 24 nin oo kale oo laga soo qafaashay gobolka Sanaag kuna xidhan Jeel Garxajis iyo degmada Gabiley.

isku soo wada duuboo nin sigtay ma nabad gelin!

Ahmed Mohamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker