SOMALILAND OO CAGT SAARTAY JIDKII KOONGO (DR CONGO)
CIIDAMA RRU EE GOBAOLKA SANAAG OO SI GAAR AH UU U KIRAYSAY NIN HINDI AH OO MADAXA SHIRKADA SAMIKA EE KOONGO (DRC CONGO) KA HAWL GASHA ISAGOO DHUL KA CALAAMADSANAYA BUURTA CIRSHIIDA
Maalintii Sabtidii ayaa waxaa soo gaadhay magaalada ceerigaabo ee goblka Sanaag gawaadhi koloyo ah oo sida madaxa shirkada Samika eek ka hawlgasha wadanka Koongo oo ku caan ah dhaca iyo bililiqaysiga khayraadka umada reer koongo iyo abuurista jamhada hubaysan ee wandaankaasi.
Shirkadaas oo aan wax fasaxa ka sidan Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa Markay timi ceergiaabo $15000 ku kiraysatay Koloyo Ciidamada RRU ka tirsan. Isla markiibana u amabaxday dhinca buurta Cirshiida eeg dahabka laga gurto.
Shirkadan oo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta xidhiidh hoose la’leh dhowaana booqasho ku geysay wadanka Koogo oo lugu yaqaan inuu kow ka yahay xadgudubka dulmiga khayraadka dhabiiciga ah.
Hadaba Shirkadan ayaa imaatinkeeda aysan war ka hayn Qaybta wasaarada Tamarta iyo Macdanta isla markaana gedefka lagu dhiftay Gudoomiye Qaybaadkii.
Hadaba dhulkan oo laysankeeda uu haysto wiil uu wasiirka macdantu abti u yahay,booqashadii koogo iyo shirkadan, koloyada RRU ah wadata, ayaa dadka degaanka gobolka Sanaag werwer way ku abuurtay madaama aan wasaaradu wax wacyi gelin ah ka baxin.
Sidoo kale waxaa nasiib dara ah in shirkadaha ka hawlgalaa wadanka koogo oo lagu yaqaaan burbur iyo baabin ay maanta bilaabaan adeegsiga ciidamada qaranka si ay u gaadhaan mawqifkooda ah boob Macdanta, oo baabi degaanka iyo dadakba.
By Maxamed Xussen Axmed



