Dawlada Jabuuti oo Ka Hortimid Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay khilaafka culus ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiis bilawgii bishan Adis Ababa ku dhexmaray Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Jabuuti oo war qoraal ah kasoo saartay  ayaa sheegtay in muhiim ay tahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur gobolleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti.

Warkaan kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Itoobiya ay rajo weyn ka qabto iney hesho dhul badeed iyo saldhig milateri oo laga siiyo xeebaha Somaliland, taasi bedelkeedana ay dowlad rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

Talaabada Itoobiya iyo Somaliland ay qaadeen ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxda sare ee dowlada Fedaraalka, Xukuumada iyo labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker