Guddida Qandaraasyada oo Madal Furan ku soo Bandhigay Tartan Dhexmaray 20 Shirkadood

Guddiga qandaraasyada qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay magaalada Hargeysa ku soo bandhigay tartan qandaraas oo loo gelay dhismaha xarunta kaydka raashinka qaranka Somaliland, tartankaasi oo ahaa mid daah furay ayaa waxaa ka qayb qaatay labaatan shirkadood oo kuwa dhismaha ah.

 

Guddoomiyaha hayโ€™adda ka hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa madashaashi ka hadlay, waxaanu yidhi โ€œFarxad ayey noo tahay ka hayโ€™add ahaan, in aanu si heer sare ah u dalbano hool loo dhisayo kaydka raashinka oo aanu ugu talo galnay inuu noqdo hoolkii kaydka raashinka qaranka oo runtii muhiimad weyn leh, sababta hawshan tartanka loo gelayaana ay noqoto wax cad oo xalaal ah.โ€

 

Guddoomiyaha guddiga qandaraasyada qarannka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen, ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi โ€œAnagu waxa aannu nahay maxkamad iyo garsoor, in badan ayaanu ku celcelinay waxa aanu idiin ballan qadaynaa tartan hufan oo dhexdhexaad ah, maantana waxaan idiin sheegaynaa in aan idiin ballan qaadayno in aan si caaddalad ah oo dhexdhexaad ah aanu idiin ku soo bandhigno shirkada ku guulaystay, waxaanan idiin sheegaynaa wixii tartan ah ee yimaada in aanu si caddaalad iyo hufnaana idiinku garsoornayno.โ€

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker