LIXDA GOBOL EE SOMALILAND LIX MASIIBO AYAA KU HABSADAY.
Somaliland waa muddo badan Bay soo dhisnayd oo ay soo baaxaadegeysay Somalia ka roon na ay ahayd oo ay nabad iyo deganaan ku jirtay Ictiraafna ku naaloonaysay laakiin Xisbiga Kulmiye oo hoggaan u ahaa Siilaanyo xilli casar gaabana noloshiisa maraysay muddo dheer na rafaad ugu soo jiray inuu Mar uun kursiga ku fadhiisto dhawr jeeroo hore a ku hungoobay ayaa markii tolaayeey Beesha dhexe ugu dhiibtay iyo maxaa Riyaale meesha loogu sii haynayaa, ayaa madaxtinimadii markuu helay xaggii Somaliland loo waday ba ka weecday oo dantii guud Xaraashay, Dekaddii iibiyey intuu inankiisii Dilaaliinta Carab ta u dirtay, wax walba oo mashaariic ah iyo doorashooyinkii kooto u xidhay, Todobadii sano ee uu joogay a wadankii abaar, Sicir barar, cuduro Ilaahay u keenay Isna xanuun aanuu waxba kala garanayn u keenay Ilaahay dabadeed maamulkii ku dhacay dadkii ugu dhowaa ee aan la dooran oo biliqaysi baahsan ku dhacay wax kasta. Doorashadii ku shubasho loogu tala galay dadkii iyo qabaailkii a la isku soofeeyey. Maanta oo Muse Biixi Kooto iyo ku shubasho ku yimi kursigii Madaxweyne nimo ku fadhiyaa laakiin aan Qiimo Madaxweyne weli loo qirsanayn oo Xusbigii Wadani ee kursiga lagaga shubtay meel walba ka sheegaayo in kursiga la boobay. Dhibaatooyinkii Xukuumaddii uu ka xanuunsaday Madaxweyne SIILAANYO ka tagtay oo dhan Muse Biixi wax ka qabad keeda umuu dhaqaaqine Madaxtooyadii buu hoosta ka xidhay oo sidii dawlada Waaweyn ayuu suudh iyo party ka BIXI waayey lixdii gobol na mid walba waxaa ku habsatay rajo beel iyo dhibaatooyinka u gaara. Awdal oo ewalba ahayd hoyga cabashada oo Isna saami qaybsigeedii reerkiisii wada siiyey oo Gebiley wax ba galbeed u dhaafiwaayeen. Berbera iyo Saaxil oo Dekedda a hindi iyo Carab la wareegtay macdanta iyo xawayaankaa laga dhoofiyaa oo wadanka waa la fadhataystaa illaa maanta wax ka dhacay mooyee waxba uma kordhaan. Maroodi jeex waa hoyga Musumaasaqa iyo Sicir barar ka iyo BIYO la’aan ta. Togdheer waa hoyga qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta. Sanaag waa hoyga Jabhadaha ee Somaliland, SOOL waa hoyga dagaalada sokeeye iyo nabad gelyo la’aanta. Magaalada Hargeysa iyo Burco waxaa ka jira kala qaybsan aan shacab oo xoog leh Xukuumadaha Kulmiye ee kala dambeeyey ayaa ka masuula dhibaatadaa Somaliland ka taagay ee ku soo fooleh. Hub iyo qalab wuxuu wax ku noqdaa dadka sida iyo qalbigooda iyo moraalkooda, waxaa muuqda in Xukuumaddii goboladii ka farabaxayaan oo Hargeysa ay ku soo ururayso, Maamulka Puntland waxay wasiiradooda iyo madaxweynahoodu ku shirayaan Buuhoodleh siday Dhahar ugu shireen Laascaanood baa ku sii xigta, inay Ceerigaabo ku shiraan way soo wadaan. Xaalka goboladii Somaliland halkaas buu marayaa. Wararka la habo weeye waayo Somaliland sirdoon (effective) ah kama jiro waxaana taa keenay kala qaybsanaanta Isnaca xoogga leh ee Beesha dhexe waxa la yidhaa ka dhex jira ee qalbiga kaga jira mujtamacay reer Somaliland oo dhan



