Donald Trump Oo Ka Difaacay Kufsi Loo Haysto Brett Kavanaugh Uu U Magacaabay Maxkamadda
Madaxweyne Trump ayaa ammaan kala duldhacay Brett Kavanaugh oo ah xaakimka uu u magacaabay maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka, isaga oo ku bogaadiyay qaabka uu uga soo hormuuqday guddiga Senate-ka.
Intii ay socotay doodda kulul ee qiirada leh, Brett ayaa diiday in uu tacaddi galmo kula kacay Christine Blasey Ford markii ay da’yarta ahaayeen.
Christine ayaase ooyday iyadoo guddiga u sheegtay in ay nolosheeda u cabsatay markii Brett Kavanaugh uu isku dayay in uu kufsado.
Waxay ku eedaysay in isaga iyo mid ka mid ah saaxiibbadii ay ku qoslayeen intii ay tacadiga u gaysanayeen.
Balse jawigii daganaa ee Christine su’aalaha lagu waydiinayay waxaa si dhakhso ah u baddalay muran adag oo dhex maray xubnihii Jamhuuriga iyo kuwiii Dimuqraadiga ee gudigga sannadka ka wada tirsanaa.




