Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Oo Sheegay In La Soo Celinayo Dhul Si sharci Darro Ah Loo Qaatay.

Jig-jiga-(OWN)-Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar Cagjar ayaa bartiisa facebooka ku qoray in xukuumadiisu ay u qorsheysan tahay inay soo celiso dhul ay sheegtay in si sharci daro ah loo qaatay.

Madaxweynea Cagjar ayaa sheegay in ay hayaan xogta ku saabsan dhul iyo hanti badan oo ay boobeen dad aan Soomaali aheyn oo u badan saraakiil ciidan, si dhakhso ahna ay talaabo uga qaadi doonaan islamarkaana ula wareegi doonaan hantidaasi shacabka laga boobay.

Dadka arrimaha siyaasadda falanqeeya ayaa waxaa ay sheegeen dhulalka ay qaateen saraakiisha ciidanka inay ahaayeen kuwa iyaga lagu naas nuujinayay, maadaama iyaga ay udub dhexaad u ahaayeen dowladdii hore.

Shacabka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan talaabada uu qaaday madaxweyne Mustafa Cagjar, waxayna tilmaameen inay dib u soo laabaneyso cadaaladda oo ay sheegeen inay horey u luntay.

Xukuumadda cusub ee Soomaalida ayaa marka ay xilka qabatay isbedel ku sameysay waxyaabo badan oo xukuumadii ka horeysay la timid, loona arkayay inay aad ugu muujineysay Itoobiyaanimada dadka Soomaalida ee gobolkaaasi degan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker