Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Weeraray Ciidan Uu Watay Taliye Jamaal Baaxad

Ciidanka qaranka somaliland ayaa galabta weerar ku qaaday ciidan uu wato taliye Jamaal Baaxad oo dhawaan sheegay inuu ka goostay ciidanka qaranka somaliland isla markasina ku biiray jabhadda kornayl caare.

 

Taliya jamaal baaxad iyo ciidanka uu wato ayaa ku sugnaa deegaanka Buuralayd ah ee Haldhaadan oo ka tirsan gobolka sanaag,waxaana ay wararku sheegayaa In ciidanka uu kala horyimid iska caabin.

 

Wararka ayaa sheegay in labadda dhinacba ay jiraan khasaare dhaawac ah,balse wali lama hayo war faah-faahsan madaama oo isgaadhsiinta deegaankaasi lagula xidhiidhayo ay adagtahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker