Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Guddi Usaaray Dilkii Uu Askari Ka Tirsan Ciidamad Puntlan Ugaystay Marxuum Suldaan Cali Xasan Jibriil.

Garoowe-(OWN)-Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Sep 2018 magcaabay Guddiga Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Xeer Madaxweyne Lr.199 ee Sep 22, 2018, kuna saabsan Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Madaxweynuhu Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu la Tashaday: Isimadda iyo Wargaradka Gobolka Sanaag

Markuu Garwaaqsaday: In loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaaro dhacdadaas

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay guddiga hoos ku qoran oo ah xalinta dhacdadii geeridii Suldaan Xasan Cali Jibriil waxayna kala yihiin:

1. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid (Guddoomiye)

2. Suldaan Ciise Maxamed Ciise

3. Suldaan Axmed Bashiir Ducaale

4. Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaam

5. Maxamuud Maxamed Ducaale (Xoghayn)

6. Sheekh Cabdulaahi Maclin Xasan (Qudubi)

7. Sheekh Siciid Cusmaan Cali

8. Nabadoon Siciid Cusmaan Cali

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

No automatic alt text available.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker