Madaxweynaha Puntland Oo Gaadhay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa haatan gaaray magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Badhan si diirran ugu soo dhoweeyay,xubno ka tirsan golayaasha Puntland oo halkaasi maalmo ka hor gaaray,maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan,isimo,culimaa’udiin,ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.




