Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Oo Xafiiskiisa ku soo Dhaweeyey Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare

Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykanaka Mudane Bashiir Good wuxu maalintii Axadii, 16 September 2018 xafiiska safaardda ku soo dhaweeyey Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, oo safaaradda soo booqatay.

 

Wakiilka iyo shaqaalaha safaaraddu waxay tuseen qaybaha kala duwan ee Xafiiska iyo hawlaha safaaraddu qabato.

Wasiir Shukri waxay sheegtay inay ku faraxday Xafiiska muuqaalkiisa oo ay tidhi waa mid maqaamkiisu u qalmo inuu masalo qaranka.

Waxay tidhi: “Dalka Maraykanka oo ah dalalka adduunka ugu muhiimsan waxa loo baahan yahay in maal iyo muruqba loo huro si qadiyada Somaliland meel fiican loo gaadhsiiyo.”

Wakiilka ayaa Wasiirka uga mahad celiyey booqashada ay safaaradda ku timid iyadoo ah masuulkii ugu horreyey ee soo booqata xafiiska intii uu hawsha la wareegay.

Wasiir Shukri waxay ka qayb gashay shir caalamiya oo ku saabsanaa deegaanka iyo cimilada oo lagu qabtay dalkan Maraykanka. Waxana ay ka mid ahayd dad kooban oo bilado lagu siiyey hawsha ay qabteen.

Somaliland Mission USA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker