Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Shidaal Uga Iman Jiray Itoobiya
Bali-gubadle(OWN)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga somaliland ayaa amray in la joojiyo Shidaal Magalada Bali-gubadle uga imaan jiray dalka Itoobiya oo ay xaduud la leedahay kaas oo dadka Magaaladaas ku nool ay isticmaalaan.
Wasiirka ayaa arrintaan sabab uga dhigay in somaliland ay dhawaan la wareegtay Haamaha shidaalka qorshahaana uu yahay mid suuq loogu sameynayo.
Dhinaca kale dadka ku nool Magalada Bali-gubadle ayaa amarkan ka soo baxay Wasiirka Ganacsiga somaliland waxa ay ku sheegeen in ay tahay mid lagu cunaqabateynayo,isla markaana ay ku lug leeyihiin Mas’uuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Magalada Bali-gubadle ayaa waxaa Maalin walba shidaal farabadan uu uga iman jiray dalka Itoobiya,balse laga mamnuucay,waxana tallaabada ay somaliland qaaday weli ka hadlin dowladda Itoobiya.





