Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Oo Hargeysa Soo Gaadhey + Ujeedada Socdaalkiisa.
Hargaysa-(OWN)-Siyaasiga Faarax Macalin oo hore usoo noqday Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maalintii shalay aheyd soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimda Somaliland

Faarax Macalin oo ka yimid dhinaca magaalada Jig jiga ee caasimada maamulka Somalida Itoobiya oo uu maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa Somaliland
Sidoo kale Faarax Macalin Dabaara ayaa waxa uu maanta uu kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeelan doona Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi sida ay wararku sheegayaan
Dhinaca kale Siyaasigan ayaa la filaya in uu isla maanta uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.




