Fulaw Guuli kuu dhaweydaa, Muuse & Kaahin & Taani, kolkuu Caare Sanaag joogey ee uu Cadaalad daro tirsadey, oo Ciidanka Debeda uuga baxay,

Muuse Biixi & Kaahin & Taani & Jeegaantu iyaga diidey Nabad, Wanaag, Cadaalad & wax wada lahaansho
kolkaasey weliba isdhega marin & Cagtaanu marin cidii hadasha, oo uu Taani ku hanjabayey Caare gacan
bira ayaan ku soo qaban cagtana waan marin.
Nin Ragi Walaal wuxuu ku dhamaa ma jirto, waxa kale oo jirta Rag Cadaalad waayey sida Cawsha kala yaac.
Muuse & Jeegaantii kolkey Wadankii keligood isku koobeen, Saraakiishii Ciidamada, Wasaaradihii, agaasimayaashii
Qandaraaysadii, Maal Gaashagii, Wasiirkii Debeda, Gudaha, Maxkamadii, Taliyihii Ciidanka, Maareeyihii Duulista
kii Dekeda, Kii Biyaha Hargeysa, Hanti-Dhawrihii, Kii Madaxtooyada, Warfaafintii, Isgaadhsiintii & qaar kaloo badan.
Muuse biixi isagaa sidaa wax u wada ayuu xiitaa Galbeedkii & amaacdahoodii ka qaby galay, Jaamacdii Burcana uu
ku andacoodey belaaya Bari qabata, oo Gudoomiyaha Jaamacada Burco kolba hadal loo soo dhiibay ku hadlay.
Agaasimihii Madaxtooyaduna uu Fariintii Muuse u soo dhiibay uu u sheegay ardaydii, Reer Burco & Bariyoow Muuse
& Madaxtooyadu waxba idiin mahayso, ee kii Tahriibaya, Kii xamar & Butland tegeya idinkey idiin taalaa, waana idinku
ceeb ee hana sugina ee Qolqol Joog & Somaliland ka haajira.
Sidaas Darteed, Magac bilaash ma baxo, Muuse Handaraab waakaa Somaliland Qufulo waaweyn ku xidhay dhinac
kasta, Caarana waakaa soo cartamaya, ee Ciidanka & Xooga ku haysta Qardho.
sidaas Darteed, Muusaw Guuli kuu dhaweydaa, inaad arinta Caare ku darto gudidii Ceel Afweyn colaadeedii dhama-
ysey eed ku andacootey waa arin Ciidan.
Saraakiishaadiina waakuwii siduu hadlay Umadu ka yaabtey, Caare waa Tuug, oo waa dilaa, hadana cadaalad daro
aanu u samaynay ayaanu ku dalacsiinay, kolkaa Ciidankaagi & saraakiishaadii ayaa u markhaati furey Caare inuu ka
cararay cadaalad daro. oo ay u sameeyeen isagoo Dambiile ah halkey sharciga hor geyn lahaayeen, ayey Derejo &
Dalacaad isugu dareen, waana wax somaliland & Islaamka wixii maqlaa uu la yabaay, Rag Saraakiila oo Tv,yada la
soo fadhiistey, Dambiile weliba dhiig daadiyey, ayaanu Dalacaad 7 derejo ku siinay.
Laakiin Muusaw Ilaahay ayaa saraakiisha ka yeedhsiiyey Cadaaladaada & ta jeegaantu halkay ka taagan tahay S/Laand.
Wabilaahi tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker