Bayaan: Waayeel Naqdiyay Guddi Sheegatay Inay Metesho Xaafadda New Hargeysa (Beeraha)
Haddii aanu nahay waayeelka, dhallinyarada, haweenka iyo bulshada ku nool xaafadda New Hargeysa (Beeraha), waxa aanu Ciidanka Booliska, Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha u sheegaynnaa in aanay na metelin, meel lagu doortayna aanay jirin niman sheegta inay yihiin guddida xaafadda.
Nimankani waxa ay faraha kula jiraan hawl sababi karta in ay isku dhacaan dhallinyarada xaafadda iyo rag ay ilaalo ku sheegeen oo dayacay nabadgelyada xaafadda. Kaddib markii aanu weynay cid xaafadda ilaalisa ayaanu aasaasnay ilaalo xaafadda u shaqaysa oo aan ka shaqaysan. Waa rag la heli karo saacad kasta oo wax dhacaan, kuwa horena lacagta waxa loo diri jiray marka bishu dhammaato.
Gebi ahaan waxa ay nimankani hor taagan yihiin in degmadu xulato cidda ku habboon in ay nabadgelyadeeda ka shaqayso. Taas waxa ka sii daran waxa ay raggani caado ka dhigteen inay xadhig ugu hanjabaan cid kasta oo ka hadasha danta degmada iyo wada-tashigeeda, waxaanad mooddaa in ay yihiin rag ku shaqaynaya nidaamkii tabbeellaha ee ciidankii Kacaanka.
Iyada oo ay aqoontii deegaanku buuxdo, talada ma maroorsan karaan koox soo-galeeti ahi. Waageerka lama keeni karo dad cir-ka-soo-dhac ah oo aanay derisku waxba iska weydiinnin. Waxa aannu bulshada xaafadda ugu baaqaynnaa inay si dhakhso ah isugu yimaaddaan, si ay goaan uga gaadhaan wixii dan guud ah ee ka dhexeeya.
Waxa la-yaab ah in ay raggani guddi isku magacaabeen, si ay shaqo ugu abuuraan niman ay isku qoys iyo isku qabiil yihiin. Waxa aanu leennahay wiilashiinna waxa aad adeege uga dhigi kartaan meherado aad leedihiin. Marka laga yimaaddo qorashaha gaadhka, maalin qudha kama ay hadlin baahida ummadda ee biyaha, waxbarashada, caafimaadka, taakulada dadka jilicsan, garoonnada ciyaaraha iyo arrimaha bulsahda ee ummadu ka midoobi lahayd.
Dhanka kale, waxa aannu digniin u diraynnaa ninka masuulka ka ah masaajidka ay raggani saldhigga ka dhigteen. Masaajidku waa gurigii Ilaahay. Ma aha in ay gabbaad ka dhigtaan koox isku ujeeddo ah oo fushanaya muraad iyaga u gaar ahi.
Guddida Xaafadda New Hargeysa (Beeraha)
Xuseen Fallaax Nuur
Siciid Maxamuud Gahayr
Cumar Cabdi Xirsi
Axmed Cali Qoofal
Aadan Cali Kaahin
Ciid Caarre Wacays
Maxamed Cali-Iid (Timacadde)
Yaxye Cawil Cismaan
Cabdiqani Xaaji Ismaaciil Bakayle
Axmed Cabdillaahi Cali (Jaajaale)



