SOMALILANDER SOMALIA LOO MASAAFURIYEY KADIB MARKUU SHARCI DARO KUSOO GALAY ISLA WADANKII UU UDHASHAY

Anigoo ahmed khaliif jaamac saalax waxaan aad u cambaareynayaa Tacadiga loo geystay abdiqani yasin ahmed oo ah aqoon yahan udhashay somaliland kaasoo ay xukuumado kamusaafurisay dalkiisa hooyo sababo aan waafaqsaneen sifaha sharciga ah .Ayaan daro kawaynina majirto in dalkaagi lagaa masaafuriyo oo laguu masaafuriyo dal aad ka shaqeysto oo aadan udhalan .
(Abdiqani Yasin Maxamed )waxaa   loo musaafuriyey wadanka somalia ee aynu jaarka nahay iyadoo lagu soo eedeeyey waxad kusoo gashay wadanka sharci darro.Isagoo ah muwaadin kudhashay hargeisa ,Kubarbaaray hargeisa,ku guursaday hargeisa .wax kudhalay hargeisa.reerkiisa iyo caruurtiisana ay degan yihiin hargeisa .
Waxaanse is waydiiyey Goorta la ansxiyey iyo cida ansixisay xeerkaa in qof kasta oo muwaadin somaliland ah ee xamar ushaqa taga in lagala noqdo sugnaantiisa dhalasho ee muwaadinnimo?????
Waxaan kale oo aan iswaydiiyey goorma ay sharci daro noqotey in Muwaadin somaliland ah inuu isla magaaladii uu kudhashay layiraahdo sharci daro ayuu kusoo galay .iyadoo aan muwadaanimadiisa lagala noqon. waa sida uu hadalka udhigay wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Mudane  Maxamed muuse Diiriye.
Waxan kale oo aan is waydiiyey Goormay SOmaliland sidaas oodhan udhimatay ama ujilicday in heer lagaadhsiiyo in qofaf xamar tagay ama siyaasad hautagan ama shaqo hautagaane iney wax yeeli karaan qaranimada iyo qadiyada somaliland ee Sida la sheego 50 kun in kabadan ay udhinteen xoriyadeeda , lana buun buuniyo dambi wayna laga dhigo ,iyadoo ay maanta dalkeena kajiraan kumanaan tacadi iyo dhibaato oo ubaahan in laga hadlo ,waa ayaan daro wayn in sidaaas xaal marayo ,anigu ma odhan ee dad baa sidaas uqaba oo u heysta in wax layeeli karo somaliland
Waxaan kale oo aan is waydiiyey Goormay dambi noqotey Ushaqa taga xamar ee shaqo taga caadiga ah, Halka ay caadi ka tahay ama aan dhib  dawladeenu uarag iyo wax qaranimada somaliland waxyeeleynaya  anigoo xogogaal u ah indhaheygana kusoo arkey  in PASSPORT KA SOMALIA hargeisa dhexdeeda lagu sameeyo oo uu xarun kuleeyahay ,xaruuntaas oo kutaala xaafada jigjiga yar gaar ahaan agagaarka warshada masaabiirta ilaa hadana ay shaqeyso ,dawladuna ay ogtahay, wax talaabo ahna aan laga qaadin ilaa hada .
Waxan kale oo aan is waydiiyey ilaa hadana aanan fahmin Hadiiba qofka xamar baad tagtay lagu heysto oo ay dambi tahay waa siday udhaqmaan ama inoo sheegan xukuumadihii kala dambeeyey ee kulmiye tii hore iyo tan hada joogtabee ,sababta qofka inta la xidho oo  xabsiga lageeyo, qaar koodna xukun maxkamadeed lagu rido  dambi ay kusheegan awgii ay hadana usii daayaan mudo kadib. oo sharciga ay sheegayan inu jabiyey haduu ka dhab yahay uu qofkaas u dhameysan waaya dambi ciqaabedkiisa …
ugu dambeyn waxan aaminsanahay inaanay ahayn sheekadu xamar bad tagtay iyo waad ushaqo tagtay ee ay tahay in la beegsanayo cid gaar ah iyo reero gaar ah .marka aan sidaas leeyahay ma aha inaan iska leeyahay ee daliil cad iyo sabab cad oo aan shaqsiyan si Practical ah aan indhaheyga ugu arkey baa jirta .
Waxaan Mudo sanad iyo badh ah ka shaqeynayay Magaalada muqdisho ,mar walba oo aan jaanis helana waxan kusoo noqon jirey hargeisa ,siaan waqtigaas aan heley aan ula qaato Ehelkeyga iyo asxaabteyda .Maalin maalmaha kamid ayaan diyaarad aan soo raacay oo aan saarna aan si kadis ah ugu dhex arkey    3 xildhibaan oo Golaha barlamanka ee dawlada federaalka ee   Somalia Katirsan, Sadexdaas xildhibaan oo aan shaqsiyan anigu aan is naqaano Magacyadoodana aanan jecleyn inan kuxuso sababo jira awgeed  ,Salaan iyo bariido kadib waxaan iska fadhiistey kurisgeygii ama Seat keygii.
Markii ay diyaaradu soo cago dhigatay Hargeisa ayaa mar qudha waxan arkey sadexdii xildhibaan oo kasii dagaya diyaarada laguna sii wado qolka Nasashada ee VIP da ee dadka madaxda ah loogu talagalay , isma lahayn marnaba hargeisa ayay gudaha ugalayaan ee waxaan islahaa malaha waa TRANSIT oo wadan kale ayay kusocdaan ,laakin anaa ismoodsiiyey
Waxay indhaheygu qabteen markii aan gudaha AIRPORT KA hargeisa kasoo baxay  Saddexdii Xildhiban oo banaanka Airport kiisa taagan oo  ay baabur ka racaayan halkaas,xildhibaanadu waxay gudaha ugalayaan hargeisa oo ay udagan yihiin xaasaskooda iyo caruurtooda ,
Sidaas awgeed maraksta oo cid baa xamar tagtay loo xidhay waxaan soo xasuustaa dhacdadaas aan usoo taagnaa ee aan indhaheyga ku arkey ,waxaanan is waydiyey sharcigan ma cid gaar ah ayuu qabtaaa .waa maxay sharcigan aan xamar baad tagtay aan wada qabaneen dadka inkastoo aanan dambi uarag xamar tagisteeda shaqsiyan
Jawaabta ii soo baxdaa markasta waxay tahay in sheekadan cid gaar ah iyo dad gaar ah ay qabato oo lagu bartilmaameedsado.Iyadoo ay fuliyaan inyar oo kudhuumato hayadaha kala duwan  sharciga. kana faaideysata awooda sharci ee ay maamulan ee umaduna wada leedahay..Ujeedada ugu wayn ee ay ka leeyihiina waa Bahdilaad iyo kibir aan meelna loogu soo gamban iyo neceybshiyo .mana ah arrin iyo masalo sharci toona  .cid ufiirsatay oo kahadashana majirto ama wax ka qabata dadkaas gaarka ah .
Waxanse kutalin lahaa somaliland Marxalad adag iyo duruufo adag oo mid siyaasadeed ah oo mid dhaqaale ah iyo dhinac kastaba ayay kudhex jirtaa oo ubaahan in wax laga qabto .uma baahna maanta iyadoo xaaladahaas adag iyadoo lagu jiro in hadana arrimo yar yar oo caadifad iyo isir nacayb iyo qabyaaladi kujirto in dadka lakala dhex dhigo .
War kuwiinan dadka iska ugaadhsanayoow war dalkan malihidiin idinka un ee waa lawada leeyahee hadiiba ay idin dhibtay xamar baa latagay oo aad sidaas xamar uneceb tihiin war ama dadka wada xidha oo sharciga wada mariya waxii xagaas wada tagaba ama iskadaaya ilma adeerayaalow  kibirka iyo Faaqa walahi waa lagu jabaa oo guul lagama gaadhee
Wabilaahi Tawfiiq
By A.KHALIIF JAAMAC SAALAX

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker