Ganacsato Soomaali Ah Oo Laga Boobay Tukaammo Ay Ku Lahaayeen Koonfur Afrika

Ganacsato badan oo Soomaali ay ka mid yihiin ayaa ku hanti-beelay boob aan loo kala hadhin oo budhcad Koonfur Afrikaan ah iyo dad dan-yar ahi ku qaadeen goobaha ganacsiga xaafadda Soweto magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika Shalay gelinkii dambe.

 

Ibraahin Aadan oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee hantidooda lagu Boobay Soweto ayaa sheegay in labo tukaan oo uu lahaa la qaatay gabi ahaanba wixii hanti ahaa ee u yaallay, isagana uu lafahiisa kala baxsaday.

 

โ€œAnniga waxa la iga dhacay labo tukaan, waayo mid wuu yara-weynaa oo waxaa uu ahaa Super Market, hantida leyga dhacay waxaa ay gaadheysaa qiyaastii ilaa $350.000 (Saddex Boqol iyo Kunton Kun oo Dollar)โ€ฆโ€ ayuu yidhi Ibraahim Aadan.

 

Xaafadda uu boobkani ka dhacay ee Soweto ayuu ku tilmaamay in ay tahay mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu weyn caalamka, waxaana ku urursan ganacsatada ajaanibta ee ugu badan dalka Koonfur Afrika.

 

Ciidamada Booliiska ayuu sheegay in ayna ka qaadin boobka lagula kacayo ganacsatada tallaabadii loo baahnaa kaddib markii ay ku war-galiyeen weerarka lagu hayo tukaamadooda.

 

โ€œBooliiska waan u yeedhanay markii ay rabshaduhu bilaawdeen, iyaga oo jooga ayuu boobku socday, waayo dadka dhaca geysanayay wey ka tiro bad-naayeen Booliiskaโ€™โ€™ ayuu yidhi Ibraahim Aadan oo ka mid ah dadka ganacsigooda lagu boobey Soweto.

Intii ay rabshadahanni socdeen waxaa goobta ku dhintay nin dhalinyaro South African ah oo ka mid ahaa dadkii boobka geysanayay, waxaana dilay sida la sheegay ganacsade Soomaali ah oo uu isku dayay in uu boobo Tukaankiisa.

 

Ka sakow Dilka Wiilka Koonfur Afrikaanka ah, waxa Boobkan ku dhaawacmay illaa 15 Ganacsatada Soomaalida ah ee hantidooda la boobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker