ONLF oo Beenisay In Madaxwaynaha Cusub Ee DDSI uu Xil Umagacaabay Qalbi-dhagax.
Shaqsiga uu Madaxweynaha DDSI u magacaabay Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa magacyada ugu horeeya ka shabaha Qalbi Dhagax, waxa aanay taasi abuurtay hadal heyn ku baahday baraha bulshada.
Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay ka qayb aheyn Maamulka Mustafa Cagjar.
Hirmooge, waxa uu sheegay in Taliyaha Ciidamada Asluubta ay magaca wadaagaan Qalbi Dhagax balse aanu aheyn.
Waxa uu tilmaamay in maamulka hadda jira ay wada galeen heshiis, balse aanu aheyn mid ay wax ku raadinayeen.
Waxa uu intaa ku daray in ONLF aanay ka qeybgali doonin maamulka KMG ah ee lagu dhisay marxalada adag, hase yeeshee ay ciladu tahay magaca oo isku eg.
Taliyaha Ciidamada Asluubta ee uu magacaabay Madaxweynaha DDSI ayaa waxaa lagu magacaabaa Korneel CabdiKariin Sheekh Muuse.
Haddalka ONLF ayaa imanaya xili baraha bulshada uu qabsaday magaca Qalbi Dhagax iyo hambalyo wada socda.