Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee FIFA Oo La Xidhay

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Xidhiidhka Kubadda Cagta ee FIFA ayaa Maraykanka lagaga xukumay sagaal sanadood oo xadhig ah. Waxaana lagu helay eedo musuqmaasuq oo xidhiidhka ka dhex dhacay oo beryahaba baadhitaan lagu hayey.

Juan Angel Napout, oo u dhashay dalka Paraguay ayaa sannadkii hore lagu helay eedo lagu oogay oo ahaa inuu qaatay malaayiin Doolar oo laaluush ah.

Xukunkan ku dhacay waxa uu daba socdaa xukun hore oo todobaadkii hore lagu riday gudoomiyihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta Brazil, Jose Maria Marin, oo isla eedo kuwaa la mid ah lagu helay.

Labadoodaba waxa lagu helay dambi ah in ay laaluusha ka qaateen shirkado doonayey in xayeysiinta xilliyada tartanno waaweyn oo kubadda cagta ahi ay socdaan iyaga la siiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker