Duqa Magaalada Garowe iyo Ku xigeenkiisa oo lagu doortay Magaalada Garowe.

Garowe-(OWN)-Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Duqa degmada Garoowe oo ay ku tartameen laba musharax.

Doorashada Duqa degmada ayaa goor dhow la soo gaba gabeeyey,waxaana 18 Cod ku guuleysatay inuu duqa degmada Garoowe noqdo  Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre)

Sidoo kale Duqa cusub waxaa doorashada kula tartamay Axmed Abshir Jaamac (Bakuuke) oo helay 9 Cod.

 Dhinaca kale Xidhibaanada golaha deegaanka ayaa ku xigeenka duqa degmada Garoowe u doortay Maxamed Cali Xamari oo ka mid ahaa musharixiinta u tartamayay xilka kuxigeenka duqa Garowe.

Maxamed Cali ayaa helay 17-cod halka musharxii la tartamayay Cismaan Maxamuud Siciid uu isna helay 10-cod.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker