SHEEKADII GUURKII ITAAL FARASLE EE DALKA INGIRIISKA – QAYBTII 2AAD.

Waxay inoo maraysay markuu Maamulihiisii Bill fasax a siiyey Itaa FARASLE u a sheegay inuu (report) wacan ka qorayo. Markaa ninkii ITAAL FARASLE xaaladiisii halkaasay maraysay, gala kastana Somali badan buu maqaaxiyaha Aljazirah kula dhegeysan jiray laakiin arimihiisa Boodhariyaysan cid lamuu soo hadal qaadi jirin aan ANIGA oo saaxiibkii Buurdhegeyste ah mooyee. Gala sabti ahayd waxaan u imi isagoo keligii isla faqaya oo caashaqan farasaaray naftiisii heestii Mohamed Ahmed Kuluc ku qaboojin ayaa oo bilaa music iyo bilaa durbaan ku qaadaaya cod (reasonable) ah oo lahaa :

SIDA GEED CALEENLOO
UBAX GUUDKA QARIYEY
OOY GOONNI LAAMUHU
OY MIDIBA GEESTEED
HOOBAAN ISGAADHIYO
GUNTIN MIDHA AH LEEDAHAY
OO SOO GANDOODOO
GALKA FARAQA SOO DARAY
OO GODAN BARWAAQO AH
DURDUR AAN GUDHAYN IYO
GACAN WEBI KU YAALLA
OON GU IYO JIILAAL
MIDAB GUURIN BAAD TOO
GABADHA YAHAY KALGACALBAAN
GOORTAAN KU EEGOBA
QALBIGAYGA GELISAA
WAXA AANAN GARANAYN
II GUNUDDAY CAASHAQE
HALKA AAD I GAADHSIIN
SIDAAD TAHAY GAMMAAN FARAS
SENGE GEESI DAAQSADAY
OO UU GARDUUR MIRAY
SODDON BILL IYO GAWDEED
UU GOOBAY FARAWGII
SARARTA IYO GAADADA
OO GALANGOLCOOBOO
CUDUDUHU GAMMUURMEEN
OO GALLABBA LOO RARO
SIDA RAMMAD GUYAAD DHALAY
HADBA KEYTA GEEDO LEH
OON GULUF COLAADIYO
WELI SOCOTO DHEER GELIN
Markuu halkaa heestii marinayo oo uu isla baraad la yey ayaan salaamayaa oo ka kala gooyey. Anigu nin sida dayaxaan ugu wareegaa oo waa ilaaliyaa(special counselling) baan u fidiyaa anigoo yaab an oo leh ALLAHAYAW MAXAY NOQON NINKII AWRKII LACAG SIISTAY OO AH ALLAHAYAW MAXAY NOQON NINKA NAAG CAD CAASHAQAY ISAGOO MEESHAAN OGAY IYO SHIBIRAALE KA YIMI.
Maamulihii (report) wacan buu u qoray (board of directors) kii badankooduna waxay ka mid yihiin dadka shirkadda iska leh ee musaahimiinta ah (share holders) ka. MUSHKILADDA KALE oo weyn baa halkaa kasoo if baxday, gabadha uu ITAAL FARASLE isku doontaa ee Elizabeth Shaw chairman ka (board of directors) ayaa dhalay oo maamuluhuna warkaaba ma hayn. Waxay kasoo jeeddaa caailad (multi millionaire ah’ WAA WAREEEEEY’. Waxaa kale oo dhinacayaga positive ah gabadha oo caashaqu iyadana wadana heeds lulashada iyo laabta uu yaalo.
WAA la isku maqanyey laakiin arintii waxay gashay meelo aad u xasaasiya iyo (commercial responsibilities), khatar cadiim, arintii waxay yeelatay (multi dimensions oo ANIGA calooshaa a I socotay. Muddo todobaadyo ah baa caailaddii, board of directors kii la isku maqnaa oo u wadnaha farta ku haynay. Maalintii dembe waxaa u ka war helay in shir albaabadu u xidhanyihiin ay galeen Inanta aabaheed iyo board of directors kii kale. Ooy chairmankii kala hadleen waxa ka dhexeeya gabadhiisa iyo Ninkan madaw ee Somaliga ah ee shaqaalaha aad u hooseeya ah. Iyagoo wada dareensan in arintu khusayso sumcad (business) kooda iyo macaashkooda. Isla markaa waxaa shirkaa hoyaalay (report) kii Maamuluhu ka soo qoray, waana la soo dhoweeyey
Bishii fasaxa ee ITAAL FARASLE la siiyey iyagoo dhinac business kooda daneynayey in meesha ka maqnaado.
Chairman kii Inanta dhalay waxaabuu miiska soo saaray arin kasii yaab batay intay ogaayeen (board of directors) ku ahaa in inantii u quturtay caailaddii oo dhan. Wuxuu u sheegay madaxdii in marar badan inantiisa qudha ee aanuu caruur kale lahayn iyo caaladoodu dhawr jeer food da is dareen oo ay tidhi NIN KAA SOMALIGA AH EE AFRIKAANKA WAXAAN IDIINKA BALLAN QAADAYAA ISAGA MOOYEE INAANAAN NIN KALE LUGAHAYGA U KALA FURIN. Waxay tidhi ‘She said! He is my rights from far away, he is my gift from the God. Wuxuu odaygii ka sheegay shirkii in Inanta hooyadeed ay arinta ku qalbi takhtakhday dhakhtarkana ku jirto xaalkeeduna aad u xunyey, Anna waa ogtihiin Inanta qudhaan caruur leeyahay nin weyn na waan ahay oo xannuuno badan la tacaala. Hooyadeed waxay ka yaabay oo tidhi labada ruux siduu guur ugu Socon karayaan dunidan waxay wadaagaan a ma jirto  hadduu Ninkan Somaliga ahi abtirsado iyo hadday inantaydu abtirsato illaahay uun ay isagu imanayaan, Isna Nebi Mohamed (scw) buu kasoo jeedaa inantayduna Nebi Muse Bay kasoo jeeddaa (subxaan) waxay hooyadeed tidhi siduu guurkoodu u Socon karayaa.
Waxay arintii madaxdii shirkadda iyo caailaddii ku jiraan a waxay ku soo gunaanadeen arintan nooceedu inay dunida in badan soo martay is hortaageedana aan wax faaiido ahi ku jirin eee labada ruux la isu ogolaado oo weliba aqal iyo kharashba la SIIYO.
QAYBTA SEDDEXAAD WAA  AROOSKII IYO WIXII LAYAABKA LAHAA EE AROOS KA DIB MARKAY GURIGII ISUGU YIMAADDEEN LABA DIIMOOD OO DOOD XOOG LIHI DHEX MARI DOONTO IYO EY WEYN OO AY GABADHU WADATAY OO ISNA JOOGA LA SOCDA QAYBTA UGU MADRAXIYADDA WEYN WAA 3AAD.
MBASHE (MEERKAT)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker