Agaasimaha Sirdoonka Suudaan Saalah Gosh oo Muqdisho ku sugan

Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Dwaldda Suudaan Saalax Cabdalla Maxamed Saalaax oo loo yaqaan Salah Gosh ayaa gaarey magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyey agaasimaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen.

War ka soo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Agaasimaha guud ee Sirdoonka Suudaan NISS Gen. Saalax Gosh uu booqasho rasmi ah ku joogo Muqdisho.

Warar warbaahinta soo gaarey ayaa sheegaya in hay’adda NISS ee Dowladda Suudaan ay fulineyso mashruuc tababar lagu siinayo shaqaalaha hay’adda NISA ee Soomaaliya, mashruucan waxaa maal-gelineysa Dowaldda Qatar. Dhawaan ayey ahayd markii Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin loo wareejiyey hay’adda NISA oo uu ka yahay ku-xigeen, Fahad ayaa xiriir dhaw la leh Dowladda Qatar iyo weliba Dowladda Suudaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker