Nadaafadda maagaalada Wajaale ee Soomaaliland oo faraha ka baxday iyo wariyayaal warbiximo qotodheer ka diyaarinaya todobaadkan

Magaaalada Wajaale oo ah magaalo muhim u ah ganacsiga soomaalilan iyo dakhliga dawladda ayaa xaaladeeda nadaafadeed laga dayrinayaa baryahan dambe, magaalada oo sideeda kaleba uga arradan adeegyada aasaasiga ah iyo waxqabadka dawladda ayaa haatana gashay xaalad nadaafad darro oo aad u xun. Waxaa meelkasta buuxdhaafiyay qashin xad dhaaf ah oo qaarkii laga buuxiyay baco bundaad ah oo aad moodo alaabo la kaydiyay Magaalada Wajaale oo ay ku badan yihiin dadka safarka ah ee ka imanaya dhamaan magaalooyinka ku xeeran degmadan wajaale ee dayacan ayaa dadkaasi ganacsatada ah ee safarka ku imnaya iyo dadka deegaankaba waxaa argagax ku riday qashin wadooyinka xidhay oo habeen iyo maalin meel lagamaro la garan la, yahay. Qashinkan fajicisada ku riday dadwaynaha Wajaale ayaa isugu jira mid qoyan iyo mid qalalanba; bacaha karaatoonta, alwaaxda caagadaha biyaha, taayarada duugoobay, calalada madhay iyo hadhaaga qudaarta iyo qaadka ayaa ka mid ah xashiishka laga talaabsan la,yahay ee magaalada iskala baxay. waxaa sidoo kale meheradaha hortooda ka samaysmay dhijaamo biyuhu fadhiistaan kuwaas oo mudo ka bacdi inta ay madoobaadaan sidii need bakhtiyay u ura. Isku soo wada duuboo dhibaatadan ayaa soo jiidatay indhaha warbaahinta soomaaliland ka hawl gasha, waxaana dhawaan la filayaa in la soo bandhigo filim dhucumantari ah oo si faahfaahsan u soo bandhigaya masiibada xaga nadaafaddarada ah ee degmada Wajaale ku habsatay. Su,aasha had iyo jeer bulshada togwajaale iswaydiinayaan ayaa ah; waa maxay hawsha ay u hayaan maamulka magaaladu mar hadii nadaafddii ugu muhiimsanay uguna dhibta yarayd ee magaalada halkaa xaalkeedu marayo? Waxaan sugnaaba waa warbixin galaafandoonta xilalaka rag badan ama baraarujindoonta bulshada reer Wajaale ee hada ka hor huruday taas oo keeni karta kacdoon shacab oo ay adkaandoonto in uu dego ama fadhiisto.

 

W/Q Cabdilahi Cali Faarax

garanwaa05@gmail.com

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker