Madaxweyne Mustafe Cagjar oo Maanta Ku Wajahan Jigjiga iyo Baarlamaanka oo Fadhi Deg Deg Ah Yeelanaya.

Jigjiga-(OWN)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar uu maanta tagayo Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Soomaalida.

Safarka Mustafe ee Magaalada Jigjiga waxa uu la xidhiidhaa ka qayb galka kulanka Baarlamaanka Maamulka Soomaalida oo isla maanta ka furmaya Magaaladaas.

Waxyaabaha kulanka lagu wado in looga hadlo waxaa ka mid ah in ay Madaxweynaha kalsooni siiyaan sidoo kalena ay meel mariyaan isbeddelka uu ku sameeyay Calanka, Magaca iyo heesta Maamulka.

Madaxweyne Mustafe Maxamed Cumar,ayaa dhawaan sheegay in Calanka Ismaamulka uu noqonayo kii ugu horreeyay ee uu beddelay Cabdi Maxamuud Cumar, waxaa kale oo uu Magaca Maamulka ka reebay Itoobiya, waxaana uu ku soo gaabiyay Ismaamulka Soomaalida.

Sidoo kale Heesta Maamulka Soomaalida oo uu horay u joojiyay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu soo celiyay astaanta Maamulka taas oo ah “Soomaaliyey Toosoo”.

Mustafe Maxamed Cumar ayaa ballan qaaday isbeddel muuqda oo uu ku sameynaayo Maamulka Soomaalida, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeybgalaan Hay’adaha dowladda Federaalka ah, maaddaama Soomaalida tahay bulshada saddexaad ee ugu badan Itoobiya iyo bulshada 2aad ee ugu dhulka weyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker