Maamuuska sare ee sucuudigu ku qaabiley Xaaji C/raxman Zaylici Waa Boqortooyo soo dhaweynaysa lafaha Boqortooyo hore oo maanta somaliland kamid ah qaybtii 1aad Dr.khadar-Libaaxley.

Hadaaney cidi cidi soo fariimeyn Dabci iyo dirqi toona carabtu uguma gaagaxaan nimaaney aqoon oo taariikh hore oo iyaga dani ugu jirtay u sameeynin ama mid maanta joogta munaafacaad keed wax uga tareyn.

Hayeeshee dawlada somaliland waxa sharaf iyo meeqaam sare u ahaa:-
1. Maamuuska casuumada Boqorka sucuudiga Boqor salmaan u fidiyey madaxdii dunida islaamka waxay ku timi oo ugu mudnaa doorkan sharfida madaxweyne xigeenka somaliland AL-Xaaji Cabdiraxmaan Zaylici waxa daliil u ah oo aad ku garan kartaa waxay aheyd Boqortooyada Sacuudigu taariikhda markii ugu horeesay 20 tameeya calan oo matalayey xujaajtii qada-sharafeedka Loo sameeyey calamadii dalalkooda ee la taagey wey isxigeen balse calanka somaliland waxa laga barbar taagey calanka Boqortooyada Sucuudiga.
2. Madaxdii la casuumey fadhiisigooda meeshii ay fadhiyeen dhamaantood wey isxigeen balse madaxweyne xigeenka somaliland waxa la fadhiisiyey badhtanka ama dhexda laba wasiir oo qoska reer Boqor ah taasi oo tilmaan u aheyd tixgalin iyo qadarin gaar ah ummada reer somaliland.
3. Dhanka salaan qaadashada salaantii Boqorka sacuudigu wada salaamayey dhamaan madaxdii la casuumey madaxweyne xigeenak somaliland uu u dambeeyey taasi oo baratakoolka madaxnimada tilmaan u ah qofka u danbeeya ee salaanta qaata ama hadalka soo af-xidhaayi yahay kan ugu mudan madashaa la joogey iyada oo waliba af-hayeenkii Boqortooyadu ku dhawaaqaayey markii salaantu dhacaysay ( waa madaxweyne xigeenka jamhuuriyada dawladeena somaliland )!!.

Lasoco…………………….qaybta………………….2aad : 4 sababood oo boqortooyada sacuudigu u soo dhaweysay xaaji c/raxmaan zaylici madaxweyne xigeenka somaliland qaybta 2aad???

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

8/25/2018.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker