Kaalin Shidaal Oo Xalay Dab Ku Qabsaday Magaalada Boosaaso

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kaalin Shidaal oo ku taalay Magaaladaasi ayaa xalay waxaa qabsaday dab.

Kaalinta shidaal uu dabka ka kacay ayaa waxa ay ku taallaa meel ku dhaw Xarunta Ciidamada Badda ee maamulka Puntland, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah,si loo damiyo dabka kaasi oo ahaa mid aad u xoogan.

 

Goobta dabka uu qabsaday oo aheyd kaalin Shidaal ayaa waxa ay sababtay fuustooyin qaar inay u qarxaan sidii qaraxii oo kale, waxaana arrintaasi cabsi xooggan xalay ay ku abuurtay dadka Magaalada Boosaaso.

Dabka ka kacay Kaalinta Shidaalka Magaalada Boosaaso, ayaanan la ogeyn illaa hadda rasmi ahaan waxa sababay, inkastoo goor dambe oo xalay ah lagu guulaystay baqtiijinta dabkaasi.

 

Inkastoo gabi ahaanba ay bur burtay kaalintii Shidaalka ee dabkaasi uu qabsaday, haddana si toos ah looma oga inta uu la eeg yahay khasaaraha rasmiga ah ee dabkaasi uu sababay, marka laga hadlaayo dhanka Maaliyadda.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Magaalada Boosaaso, ayaa lagu wadaa saaka inay tagaan goobta xalay dabka uu ka kacay, si ay u soo qiimeeyaan Khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker