Xohayaha Xafiiska Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Maalintii Labaad Ku Xidhan Hargaysa.

Hargaysa-(OWN)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Waliย  uu Xabsigaย  magaalada Hargeysa ku xidhanyahay Xoghayaha Xafiiska Raโ€™isal wasaare ku-xigeenka Somalia.

Cabdiqani waxaa laga soo qabtay isagoo jooga gurigiisa Hargaysa

Ciidamada amaanka ayaa xili habbeen ah xabsi dhigay Xoghayaha Xafiiska Raโ€™iisul wasaare ku-xigeenka Somalia Cabdiqani Yaasiin Maxamed.

Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa maalmihii ciida ka tegay magaalada Muqdisho wuxuuna Hargeysa u yimi qoyskiisa, sida aan xogta ku heleyno.

Xukumada Muuse Biixi ayaan weli ka hadal sababta rasmiga ah ee loo xidhay Xoghayaha Xafiiska Raโ€™iisul wasaare ku-xigeenka.

Somaliland ayaa inta badan deegaanadeeda ku xidha masโ€™uuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada Somalia oo ay ku eedeeyan in idan laโ€™aan ay soo galaan Somaliland.

Sidoo kale, maamulka Somaliland ayaa horay u xidhay dad isugu jira masโ€™uuliyiin,Siyaasiyiin Wariyeyaal iyo Fanaaniin kuwaas oo qaarkood xukun lagu riday qaarna la siidaayey mudo gaaban markii ay xidhnaayeen.

Dhawaan ayey ahayd markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) loo xidhay kulan dhaqameed uu uga qayb galay Puntland.

Waxaa ka sii horraysay Naciima Abwaan Qorane oo iyadana muddo ku xidhnayd xabsi ku yaalla Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker