Mareykanka oo Raysal-wasaaraha Ethiopia kala hadlay xoojinta dib-u-habeyn lagu sameeyo siyaasada Xuquuqda Aadanaha.
Addis-ababa-(OWN)-Wafdigan Mareykanka ka socday ee gaadhay Arbacadii ina dhaaftay ee todobaadki hore magaalada Addis Ababa waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Christopher Smith, iyaga oo kulan Khamiistii ay la yeesheen ra’iisal wasaaraha Itoobiya kala hadlay dib –u-habeyn lagu sameeyo siyaasada la xidhiidhta dhowrista Xuquuqda Aadanaha.
Isaga oo la hadlay warbaahinta ayuu Christopher Smith sheegay in socdaalkoodu ahaa mid ku saleysan sidii ay u ogaan lahaayeen dareenka ra’iisal wasaaraha ee la xidhiidha dib-u-habeynta siyaasada Xuquuqda Aadaha iyo waliba guud ahaan isbadallada ka jira dalka tan iyo markii uu xafiiska la wareegay ra’iisal wasaare Abiy.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaalada ugu danbeeyay ee gobolka geeska Africa, waxaana uu ra’iisal wasaare Abiy wafdiga ka socday Mareykanka uu sharaxaad guud ka siiyay is-badallada maamulkiisa ee la xidhiidha dhinac-yada Siyaasada, Dhaqaalaha iyo waliba Xuquuqul Insaanka.
Wafdiga ayaa dhinacooda ballan qaaday taageero joogta ah oo ay siin doonaan ka miro-dhalinta is badallada uu waddo maamulka uu madaxda ka yahay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.
Abiy ayaa lagu amaanay si deg deg ah ee markiiba uu dalka uga hirgaliyay siyaasad ku dhisan Cadaallada iyo Dimuquraadiyad, isaga oo xabsiyada ka sii daayay tiro maxaabiis ah oo loo xidh xidhay arrimo siyaasadeed iyo in uu wadamada dariska ah u fidiyay gacan –nabadeed, gaar ahaan marka la eego heshiiskii uu la galay dalka Eritrea.
Wafdigan ka socday dowladda Mareykanka ee tagay Addis Ababa ayaa noqonaya kii ugu ballaadhnaa halkaa booqda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Abiy Ahmed.