Dadka madow sidii caddaanku u dulleeyay ayaynu isu galnay

Dadka madow sidii caddaanku u dulleeyay ayaynu isu galnay

Nin aqoon yahan ah oo muddo dheer Maraykan ku noolaa ayaa sameeyay isbarbardhigaan ee ila arag.

Caddaanka Maraykanku markay goosteen inay dulleeyaan madowgii la xoreeyay waxay u qoreen lacag welfare ah; si aysan u shaqaysan, xaafadihii ay daganaayeena waxay u fasexeen in meel walba khamro lugu gado, daroogadana waa loo sahlay, halka xaafadahooda aysan u ogolayn daroogo, khamradana lugu gado meelo tirsan oo aan loo ogolayn 18 jir ka yar.

Arrintaas waxay keentay in aysan badankoodu shaqaysan oo welfare iska qaataan, daroogo iyo tuugo loo sahlayna ku mashquulaan oo ay sidaas kaga haraan tartanka nolosha.

Wuxuu yiri: dalkeena wiilal dhallinyaro ah iyo rag waaweyn oo aan xaasas lahayn, shaqo iyo waxbarashana ku jirin ayaa bil walba xawaaladaha ka qaata lacag qoysas lugu masruufi karo. Shaqada ay ku qabtaana waa inay kabarka qaadka la tagaan, ninkii rabana khamro ku daro. Markaas ayaa waxaa samaysmay jiilal ma shaqaystayaal ah oo waligoodba biil sugayaal ah.

In la masruufo dad waayeel ah oo waalid ama qaraabo ah waa wax aad u wanaagsan. Sidoo kale in la masruufo ilmo yar yar; si ay u koraan, waxna u bartaan camal wanaagsan laakiin in nin weyn oo xoog leh oo caafimaad qaba biil loo qoro oo aan la oran xoolahaan ku shaqayso ama ku baro xirfad aad ku shaqaysatid oo xoolihiisii miyi ka baaba’aan, daroogo iyo baagamuudana uu barto waxay la mid tahay nin nolosha lugu dilay hawlgab laga dhigay sidii madowga Maraykanka loo galay.

Labada ficil waa isku mid oo mid walba waa nin xoog leh welfare u qor, labada natiijana waa isku mid oo waa hawlgab biil suge ah oo daroogo ku darsaday oo sidaas nolosha ugabharay.

Haddaba aynu is weydiino haddii labada ficil isku mid yihiin, labada natiijana isku mid yihiin niyada kala duwan xaqiiqada wax maka badalaysaa?. Caddaanku ficilkaan waxay u sameeyeen inay natiijadaan gaaraan laakiin annaga ficilku wuxuu naga ahaa waxtar iyo ehelnimo laakiin natiijadii isku mid baynu ka noqonay.

Gabagabadii dadkeena dibada u shaqatagey waan ku dhiirrigalinayaa inay masruufaan waayeelka waalidka ama ehelka ah iyo ubadka yaryar oo waxbaranaya laakiin waxaan kula talinayaa dhallinyarada iyo dadka xoogga leh inay baraan xirfad ay ku shaqaystaan ama ay siiyaan xoolo ay ku ganacsadaan ee aysan marna masruuf u qorin; si aysan nolosha u seegin. Sidoo kale inay hubiyaan yaryarka ay biilayaan inay waxbarashada wadaan iyo in kale.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker