Somali Badan Oo Sharci La’aan Ku Jooga Dalka Kenya Oo Laga Masaafurinayo Dalkaas
Nairobi(OWN)-ย Dadka Somalida ah ee ku dhaqan magaaladaย ย Nairobi ee dalka ayaa walaac xoogan ka muujinaya durbaba hadalkii ka soo yeeray wasaarada Arimaha gudaha dalka kenya oo ahaa in la Masaafurinayo dadka aan sharciga heysan.
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan islii ayaa isla dhexmaraya sida uu noqon doono howlgalka ka dhanka ah dadka aan u dhalan kenya ee ku nool kenya.
Mr Matiangi ayaa tilmaamay in dowlada ay beegsan doonto afar kun oo soo galooti sharci daro ah kuwaasi oo ku noolย ย Nairobi.
Qoysas badan soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan u jooga islii ayaa wali xasuusta howlgalkii looga magac daray nabed gelyada gudaha oo sanadii 2014 tii kenya ay ku raaftay soomaali badan oo ku noolaa magaalada Nairobi.
Sarkaal ka tirsan police-ka kenya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa bilowgii bishanย ย sheegay in somaali badan oo kenya ku gashay vissa-ha aysan dib u cusbooneysiin marka uu ka dhaco deetana ay dalkooda dib ugu laabtaan iyaga oo isticmaalaya warqada loo yaqaan GO Home.