Gaadhi Laga Qafaashey Ceerigaabo Oo U Gacangalay Jabhadda Col-Caarre

 

 

Qardho(OWN) Baabuurkan oo noociisu yahay Ambulance islamarkaasna habeennimadii Jimcuhu soo gelayey dhallinyaro hubaysani kalasoo goosteen gudaha magaalada Ceerigaabo ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo Jimca ah wuxu soo gaarey Saldhigga Jabhadda uu xukumo Col-Caare ee duleedka magaalada Qardho.

 

Baabuurkan ayaa sida lasheegay waxa lasoo goostay saddex dhallinyaro ah iyadoo wararku sheegayaan inay kasoo qafaasheen guri uu ku xeraysnaa baabuurkaasi.

 

Dhinaca kalena waa baabuurkii labaad ee muddo toban casho gudeheed ah dhallinyaro sidan oo kale ugasoo qafaasheen gudaha Ceerigaabo oo usoo gacangala jabhaddaasi.

 

Oodweynenews.com/Qardho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker