Weerar Midi Loo Adeegsaday oo Lagu Dilay Laba Qof Gudaha Magaalada Paris.

Paris-(OWN)-Laba qof ayaa geeriyootay halka mid kalena uu dhaawac daran uu soo gaadhay kadib weerar midi loo adeegsaday oo maanta ka dhacay magaalada Paris ee caasimada French.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday goob mashquul badan saaka sida ay police-ka xaqiijiyeen.

Ruuxa dhibanaha ahaa ee weerarkan lagu dhaawacay ayaa ku dhuuntay guri haalkaas ku dhowaa waxaana badbaadiyay laamaha amniga.

Police-ka French ayaa iyana waxay toogteen ninka weerarkan ka danbeeyay sida ay ilo ka tirsan warbaahinta u xaqiijiyeen.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin ninka weerarkan ka danbeeyay dalka uu u dhashay ,balse dagaal yahanada la magac baxay dowlada islaamka ayaa sheegtay mas,uuliyada weerarkaasi.

Bishii May ayey aheyd markii nin heesta dhalashada French uu hal ruux ku dilay magaalada Paris ka hor inta aanay police-ka toogan,waxaana isla weerarkaas qaaday kooxda daacish.

Xukuumada Paris ayaa labadii sano ee la soo dhaafay la tacaaleysay wax ka qabashada weeraro loo adeegsaday toori iyo gawaadhida xamuulka ah oo kooxaha argagixisada ay dadka ku dilayaan.

Weeraradan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 245 waxaana dhamaantood qaaday kooxda daacish.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker