WARQAD FURAN
KU: Agaasimaha Guud ee MJFS ee magacaaban.
OG: Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed
Ujeedo: Dacwad iyo Turxaan bixin
Annaga oo ka mid ah shacabweynaha reer Muqdisho ee ka soo jeeda gobollada Waqooyiga
Soomaaliya, waxaanu dacwad ka nahay Saciid Maxamud Warsame oo ah Agaasimaha Habmaamuuska
MJFS, farriin uu soo dhigay bogiisa Internet-ka uu ku leeyahay ee Facebook-ga loo
yaqaano.
Siciid, wuxuu ka falceliyay geeridii Alle ha u naxariisto e Cabdifataax Maxamed Cali oo lagu dilay
magaalada Buuhoodle Gobolka Togdheer. Horraantii bishan, ayuu Siciid Facebook-gii soo
dhigay hadal uu ku tacsiyadeeyay isla markaasna ku daray arrimo kale oo aan ku habboonayn
anshaxa iyo shaqada uu u hayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aanu
ugu hanweynahay xilka iyo sida uu ummadda isugu soo dhawaynayo madaxweynuhu.
Hadalka Saciid ayaa u dhignaa sidan “Tacsi Tiiraanyo leh.
Innaalillaahi wa inna ileyhi raajucuun.
Alle ha u naxariisto C/fatax Maxmed Cali iyo dhammaan dadki kudhintay qaraxii ka dhacay
Buhoodle.
Geerida C/fatax wa geeri aan la iloobidoonin!
Qoyskiisii iyo dhammaan ummadda reer Khaatumana samir iyo iimaan ilaahay haka siiyo.
C/fatax Maxmed Cali dadka dilay waan garanaynaa, waana cadowga shacabka reer
Khaatumo, waxaad isweydiisan qaraxa maxaa hore loo geyn waayay Buuhoodle? Maxaa
shabaab Buuhoodle geeyey ,laakiin waxaan cadowga reer khaatumo u sheegi dhiiga
Cabdifataax saas ku tegi maayo ,waana la heli jawaabteda.” Marka laga hadlayo mas’uul
xilkan oo kale haya iyo hadal noocan u eg, waxa suuregal ah in wax badan ka run noqdaan.
Saciid wuxuu xukumay ummad dhan oo Soomaaliyeed, dhab ahaana la fahmi karo dadka uu ku
sheegayo cadow, balse ah dad walaalo ah isu ehel, xidid iyo xigto ah, meel wada dega oo aan
kala maarmin. Wuxuu afuufayaa had iyo jeerna ka shaqeynayaa iska hor keenka bulshada la
rabo in la isku hayo, amnigooda iyo isjecaylkoodana laga sii shaqeeyo.
Saciid farriintiisa wuxuu ku soo afmeerayaa ‘’waxaan cadowga reer Khaatumo u sheegi dhiiga
Cabdifataax saas ku tegi maayo ,waana la heli jawaabteda.’’ Hadalkan wuxuu dareen weyn
ku abuuray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ku dhaqan magaalada Muqdisho, mar haddii uu ku
hanjabayo in loo aargudi doono ‘Cabdifataax’ dhiigiisana aan laga hadhi doonin.
Ugu danbayntii, waxaan weydiinaynaa, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo shaqo
ahaan Saciid hoos tago iyo Madaxweynaha JFS in ay arrintaas talaabo ka qaadaan, haddii kale
aanu garowsan doono in ay la qabaan, mar haddii Saciid uu yahay iridka laga galo
madaxtooyada iyo Hab-dhawraha Madaxweynaha JFS.